Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Jowhar

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhallinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana garoonka diyaaraha ee Jowhar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, ku-xigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdiga la socday waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, kuwaasi oo looga hadli doono xaalada gobolka iyo doorka uga aadan dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka, iyadoo hotelada iyo guryaha la sheegay inay sii kireystaan wafuuda imaaneysa iyo xubnaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Previous Post

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay dad ku howlanaa jarista dhirta

Next Post

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka hadlay shirar uu Masar uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka hadlay shirar uu Masar uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo ka hadlay shirar uu Masar uga soo qeyb galay "SAWIRRO"

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In