Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo la kulmay Amiirka Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo la kulmay Amiirka Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

13223437_1037761542969305_575367008_oWafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Saraakiil sar sare ayaa goor dhow soo gaaray Dalka Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait iyo Safiirka Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, iyadoo wafdiga Wasiirka markiiba loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada Kuwait, halkaas oo uu ku qaabileen Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Kulanka Amiirka kadib waxaa Wafdiga Wasiirka loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait oo kulan gaaban kula qaatay Xafiiskiisa.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la wadaagi doono dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo laga filayo in ay horey u qaado Iskaashiga xagga amniga ee labada dal.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo aan wax ka weydiinay socdaalka Wafdigan ayaa noo sheegay in booqashadani tahay mid gaar ah oo muujineysa sida ay dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiso arrinta Amiga oo ah mushkiladda ugu weyn ee maanta Dalkeena ka taagan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo marka aad eegto sida weyn ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, oo markii Madaarka laga soo qaaday toos loogu galbiyay Amiirka Kuwait, taas oo ah mid aan wafuuda heerkan ee Dowladaha kale u sahlaneyn.

1 2 3 13223437_1037761542969305_575367008_o 13223559_1037725549639571_1925782385_o 13225203_1037725539639572_951118386_o 13234762_1037725499639576_1066463582_o

Previous Post

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Koonfuur Korea iyo Switzerland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In