Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta la kulmay shacabka Ceelbuur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta la kulmay shacabka Ceelbuur “SAWIRRO”

User comments

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

September 5, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Somaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, oo ay wehliyaan Wasiiru dawlaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale, Xildhibaannno tirsan baarlaamanka Federaalka ah, Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, xubno ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha AMISOM  ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo ah magaalo taariikh weyn leh, isla markaana ay muddooyinkii ugu danbeeyey go’doomiyeen kooxaha nabadda diidan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wafdiga la socday ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM, iyagoo  kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, kaa oo looga hadlayay xaaldaha amaanka, nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarin lahaa.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Degmada Ceelbuur oo mudo labo sanno ah gacantooda ka maqan Argagaxisada Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku suganyihiin meel duleedka ka ah kaddib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay, taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqayn doono sidii deegaanka u heli lahaa adeegyada muhiimka ah, isagoo balan qaaday in si deg deg ah loo howl-gelin doono  matoorkii Biyaha siin jiray magaalada. AMISOM iyo Dawladduna wadajir uga shaqayn doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii magaalada isaga cararay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Ceelbuur ay tahay magaalo leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada. Wasiirku  wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirkas cafinayo dib laguu abuuri doono nolol anfacda.

“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh isla-markaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in shacabka Ceelbuur ay  nabad ku noolaadaan isla markaana helaan nolol lamid ah mida ay haystaan deegaanada kale, waxaan idiin sheegayaa in  dhawaan deegaanka la keeni doono Ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan sugidda nabad galyada kuwii hore ee joogayna la tayayn doono.” ayuu yiri  Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ku sugan yihiin shacabka Ceelbuur, wuxuna baaq u direy Hay’adaha Caalamka iyo dadka deegaanka ka soo jeeda in ay gacan deg deg ah u fidiyaan dadka dhibayaasha u ah cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo dadweynihii uu la kulmay gaar siiyey salaan uu ka wadey madaxda Qaranka.

—-DHAMMAAD—-

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

IMG_3530 IMG_3540 IMG_3607 IMG_3632 IMG_3639 IMG_3648 IMG_3650 IMG_3673 IMG_3684

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo daahfuray sanad dugsiyeedka Jaamacadda Global “SAWIRRO”

Next Post

Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In