Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kormeer ku tegay Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kormeer ku tegay Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle  oo uu wehliyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha arrimaha beni’aadannimada George Conwey ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta gobolka ayaa waftiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif, kadibna waxa ay kulan xog wareysi ah la waateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyagoo dhageystay warbixinta xaaladda Baladweyne , cabsida laga qabi fatahaado iyo raadadka dhibatadii ka dhalatay qaraxyadii Baladweyne khawaarijta ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool magaalada.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo u kuur-galidda xaladaha beni’aadannimo ee gobolka ka jira, u diyaar garowga digniinaha xalaada ElNiño  taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus, waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen Kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada, waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xog-wareestay xaladdooda.

Sidoo kale Wafdigan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareennada ah iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabiga mar kastana ka fataho.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo daah furay Systemka la socoshada Tacliinta Sare

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray laba waddo oo laga dhisayo Muqdisho 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray laba waddo oo laga dhisayo Muqdisho 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray laba waddo oo laga dhisayo Muqdisho 

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In