Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa booqasho qaadatay labo maalin oo loogu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beled-Xaawo waxay ku tageen degmooyinka Dooloow iyo Beled-xaawo.
Socdaalka kadib. Wafdiga ayaa soo saaray qodobadan:
- 1. In derbi la dhisay noo muuqan
- 2. In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
- 3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
- 4. Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.
“Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbadal lagu sameeyey ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno dawladda dhexe iyo cida ay quseyso”ayuu yiri Wasiir Diini.
Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho gelinkii danbe ee maanta, waxaana ay la qeybsan doonaan madaxda sare ee dalka wax walba oo ay ku soo arkeen deegaannadii ay booqdeen.