Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray Caasimadda Kuwait.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Kuwait city ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Kuwait iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ay wehliyan qaar kamid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda ka howlgasha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wafdiga Xeer Ilaaliyaha Gud oo marti u ah Wasaaradda Caddaaladda ee Kuwait ayaa lagu wadaa in ay wadahadalo la xiriiro Iskaashi la yeeshan Hay’adaha Garsoorka Dalka Kuwait.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in socdaalkiisa ay qaadan doonto muddo saddex cisho ah, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhexeeya hay’adaha garsoorka labada dowladood.

“15 ka bishan waxaa Kuwait soo gaari doono garsoorayaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo tababar halkan ku qaadan doono, waxaana jirta xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, socdaalkeyguna waxa uu ku saabsanyahay casuumaad aan ka helnay Wasaaradda Cadaaladda”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wafdiga uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa qorshuhu yahay marka ay u dhamaato booqashada rasmiga ah ay u sii gudbaan Dalka India, socdaalkaas oo la xiriira wada-xaajood ay la yeelan doonaan dhiggoda India si xal looga gaaro qadiyadda dhalinyarada Soomaaliyeed ee u xiran Arrimaha Burcad Badeedka, kuwaasi oo uu tilmaamay in maxkamadeyntooda ay ka socoto dalkaasi.

1 2 3 5 6 7 8

Previous Post

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Turkiga

Next Post

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka oo booqday Abwaab Sangub

Next Post

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka oo booqday Abwaab Sangub

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In