Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Xildhibaanno ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaannada oo kala ah Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa markii ay gaareen magaalada Dhuusamareeb waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow oo hogaaminayay wafdiga Xildhibaannada ayaa tilmaamay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug, ayna ku faraxsanyihiin ka qeybgalka iyo la socodka hannaanka uu u socda dhismaha Galmudug.

“Markale ayaan dhuusamareeb ku soo noqonay, marar badanna waa lagu soo noqon doonaa, Galmudug waa loo dhanyahay, laguma kala harsana, looma kala maqna, Madax sar sare way naga dambeysaa oo waa ay imaan doonaan, musharixiintuna waa ay imaan doontaa, waxaan leenahay Galmudug ha guuleysato” ayuu yiri Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer.

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa bulshada deegaannada Galmudug ku booriyay inay ku dadaalaan wada jirka oo ay ka qeyb qaataan dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

“Wada hadal dheer ka bacdi Ilaahey waxa uu nagu guuleeyay in uu is afgarad ka dhacay, in maanta Galmudug oo loo dhanyahay ay meesha ka dhalaneyso, waxaan Alle ka rajeyneynaa in qeybaha inta ka dhiman in uu Alle noo dhameystiro, anagu waxaan horu dhac u nahay wafuud badan oo halkan imaan doonto” ayuu yiri Senator Yuusuf Geelle Ugaas

Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana ay Alle ka bariday inay guul ku soo dhamaato dhismaha Galmudug oo loo dhanyahay.

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo qiimeyn ku sameynaya saameeynta fatahaadda Webiga Shabeelle

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo hortegay Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In