Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdiga ka socda Aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wafdiga ka socda Aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed,waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan,sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare.

Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna  dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale,Senator Samsam Ibraahim cali oo ka tirsan wafdiga Aqalka Sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka Golaha Aqalka Sare waxay la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka.

Senator Samsam Ibraahim cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Previous Post

DAAWO:- Barnaamij gaar ah oo ku saabsan iskaashiga Cusub ee Somaliya iyo Shiinaha

Next Post

Shacabka Kenya oo u istaagay inay iska caabbiyaan Al-Shabaab

Next Post
Shacabka Kenya oo u istaagay inay iska caabbiyaan Al-Shabaab

Shacabka Kenya oo u istaagay inay iska caabbiyaan Al-Shabaab

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In