Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajigii 2aad dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo loo qaaday Dalka Qatar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wajigii 2aad dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo loo qaaday Dalka Qatar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray diyaarad Militeri oo ka socotay Dalka Qatar oo qaaday dhaawacyada halista ah ee ku waxyeeloobay xasuuqii 28-ka December ka dhacay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qatar Danjira Cabdirisaaq Faarax Taano oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradda ka timid dalka Qatar ay la socdeen 18 qof oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyeyaal caafimaad.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Waxaan la socdaa diyaarad ciidan oo Ambulance ah oo ay ku dhantahay qalabka gargaarka deg degga ah oo ay soo dirtay dawladda Qatar, ayna kaga qayb-qaadanayso dawaynta dhaawacyada qarixii lagu hoobtay ee ka dhacay Ex-koontrol Afgooye laba bari kahor., dhaawacyada waxa ay heli doonaan daryeel caafimaad” ayuu yiri Danjiraha.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Qatar Danjira Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa xusay in diyaaraddu ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad iyo howlwadeenno kale, kuwaasi oo baxnaanin doono dhaawacyada inta ay hawada ku sii jiraan.

“Diyaaradda waxaa nala socda 18 qof oo isugu jirta dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad si ay u caawiyaan dhaawacyada la qaadayo oo tiradoodu gaareyso 23 qof, waxaana la socda 23 kale oo ka mid ah ehelada dhaawacyada si ay u caawiyaan, halkii qof oo dhaawac ah waxaa la socda qof caawinaya” ayuu yiri Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano

Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa hoosta ka xariiqay in dhaawacyada la geyn doono isbitaalka ugu weyn uguna caansan Hamad Hospital ee ku yaala magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar.

Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii labaad oo gargaar sida oo Muqdisho soo gaarta, waxaana dowladaha Qatar iyo Turkiga ay ka soo jawaabeen baaqii degdega ahaa ee ka yimid dowladda Federaalka.

Maalintii shalay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad milateri oo kuwa caafimaadka oo dowladda Turkiga soo dirtay ay magaalada Muqdisho ka qaaday dhaawacyada illaa 16 ruux, oo mid ka mid ah markii la geeyay magaalada Ankara geeriyooday.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda oo daah furtay sharciga Maamulka dakhliga “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Dowladdu Ay Si Buuxda u Daryeeleyso Dhaawacyada Weerarkii Argagaxiso Ee Ex-Kantarool Afgooye “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In