Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo u hambalyeeya shacabka Soomaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo u hambalyeeya shacabka Soomaliyeed

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira listens questions from journalists during a press conference on AMISOM's latest activities and achievements. This was held in Mogadishu, Somalia on March 15, 2016. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira listens questions from  journalists during a press conference on AMISOM's latest activities and achievements. This was held in Mogadishu, Somalia on March 15, 2016. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu sheegay in dabbaaldegga todobaadka xorriyadda ee sannadkaan uu dadweynaha Soomaaliyeed uga dhigan yahay mid ay ku soo xasuusanayaan dadaalkii jiilalakii ka horreeyey u soo galeen sidii ay heeryada gumeysiga isaga tuuri lahaayeen, iyo kan ay iminka ugu jiraan sidii mar kale uga jafjafan lahaayeen dagaallada sokeeyey ee mirihii xorriyadda curdaan dhariyey.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

“Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee u taagan in ay Soomaaliya mar kale ku soo dabbaalaan tubta horumarka dowladnimo. Waxaana sidoo kale bogaadinayaa dadkii naftooda u huray sidii dalka xasillooni waarta loogu soo dabbaali lahaa islamarkaana dadweynaha loogu suurtogelin lahaa in ay ku naalloodaan nolosha ay u haarayaan,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Sannadguuradan xasuus gaar ahaan ayey leedahay, maadaama Soomaalidu qabanayaan doorashooyin dadban oo lugu soo xulayo mudaneyaasha baarlamaanka iyo madaxweyne, talada dalka majaraha u hayn doona afarta sano ee soo socda.

AMISOM waxay ku bogaadineysaa hoggaanka Soomaalida in ay mddo cayiman u qabteen geeddi-socodka doorashooyinka, ka dib kulankii Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaranka ee dhawaan Baydhaba lugu soo gabagabeeyey, kaas oo la iskula afgartay arrimo badan oo guul u horseedi kara aayaha siyaasadda dalka.

“Waxaan si weyn u rumeysanahay in Soomaaliya cagta saartay toobiyaha saxda ah ee lugu tiigsanayo nabadgelyo iyo xasillooni waarta oo dalku ku tillaabsado, taas oo muwaadiniinta u sahli kara in ay ku naalloodaan xorriyadda ay ku taamayaan”, ayuu yiri Danjire Madeira.

Tan iyo markii la aas-aasay AMISOM 2007, horumar ballaaran ayuu dalka ku tillaabsaday, iyadoo gacan laga helayo dadka Soomaaliyeed ee same-jeclaha ah ee doonaya qaran nabad iyo barwaaqo ku dhisan. Tusaale ahaan, hawlgallada ay sida wadajirka ah u fuliyeen AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxaa lugu xoreeyey qaybo badan oo dalka ka mid ah, halkaas oo ay markii hore gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

AMISOM, dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, ayaa si dhow uga wada shaqeynaya xasilinta goobaha la xoreeyey, si amarka iyo kala dambeynta loogu soo celiyo.

Ilaa hadda, AMISOM waxay tababartay kumannaan ka mid ah ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ku waas oo loo daabulay qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Waxaa intaas dheer, AMISOM oo fulineysa mashruuca saameynta deg-degga ah ee (QUIPS), waxay dhistay ama ay dayactirtay saldhigyo Booliis oo dalka ku firirsan, si adeegga amniga bulshada loogu soo dhaweeyo.

Ujeedka ugu weyn hawlgalka AMISOM waa in dalka laga xoreeyo kooxaha Al-Shabaab oo shacab u qoonsaday fursad ay kaga faa’ideystaan karaankooda dalka oo nabad ah.

Danjire Madeira wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in aysan Soomaaliya gabin saacaddan xaasaasiga ah, ee ay sii wadaan taageeridda dadaallada AMISOM iyo dowladda Federaalka ah ay ugu jiraan, ka libkeenidda ujeeddooyinka lugu hiigsanayo nabad waarta iyo xasillooni ka dhaqangasha dalka.

Previous Post

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Yare oo caawa lagu dilay Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In