Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabadii horumarka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabadii horumarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Related posts

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

March 8, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab,

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

Previous Post

Shir ku saabsan Tamarta Dalka oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

Next Post

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay R/wasaaraha Masar

Next Post
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay R/wasaaraha Masar

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay R/wasaaraha Masar

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026
0

  \ Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

March 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XUkuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim...

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

FARRIINTA MADAXWEYNAHA JFS EE MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

March 8, 2026
0

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, taas oo ku aaddan munaasabadda Maalinta...

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka oo ka mahadceliyay meelmarinta Dastuurka

March 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyey inay guteen waajib dastuuri ah, kadib...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In