Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Walaaca laga qabo dagaal dhexmara Iiraan iyo Mareykanka oo sii kordhaya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Walaaca laga qabo dagaal dhexmara Iiraan iyo Mareykanka oo sii kordhaya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump ayaa Iran ugu goodiyay inay weerari doonaan 52 goobood haddii Iran soo hujuunto Mareykanka ka dib dhimashadii Janaraal Qassem Soleimani oo ah taliyaha guutada Qudus iyo hoggaamiye Maleeshiye Ciraaqi ah.

Trump oo aysan ka muuqan wax dadaalo ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka ayaa Twitterka ku soo qorey hadalkan, isagoo digniin adag u direy xukuumadda Tehran. ” Mareykanka ma doonayo in loo hanjabo!”  ayuu yiri Trump.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

52 weerar ayay noqon doonaan 52 qof ee Amerikanka ahaa oo Iran u afduubnaa 444 maalmood, kuwaas oo laga qabsaday safaaradda Mareykanka ee Tehran bishii November sanadkii 1979.

Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii jimcihii Mareykanka u geysteen taliyaha guutada Quds iyo madaxa maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq Abu Mahdi Al muhandis.

Dhowr gentaal ayaa gudaha iyo agagaarka Baghdad ku dhacay oo ay ku jiraan deegaanka si aadka ah loo ilaaliyo ee green Zone iyo saldhiga Balad oo ay joogaan ciidanka Mareykanka.

Lama soo sheegin in khasaare geysteen duqeymahaas, sida uu sheegay afhayeen u mahadlay militiriga Mareykanka, Colonel Myles B Caggins. isagoo intaas ku daray in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidankiisa balse waxaa jira waxyeelo soo gaartay shacabka Ciraaq.

Caaga cagaaran oo sida aadka ah loo ilaaliyo waxaa ku yaalo safaaradaha dalalka caalamka oo tan Mareykanku ka mid tahay.

Labo gantaal oo lagu magacaabo Katyusha ayaa lagu dhuftay saldhiga Balad oo ku yaala waqooyiga Baghdad halkaas oo fadhiisan u ah ciidanka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan militiriga Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Baghdad iyo 5,200 ee askari Mareykanka ka jooga Ciraaq ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ay wajahayeen duqeymo, hase yeeshee Washington waxay ku eedeysay in ay mas’uul ka yihiin dowladda Iran iyo xuladadeeda Ciraaq ku sugan.

Bishii hore, hal weerar oo ka dhacay waqooyi Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay qandaraasle Mareykanka ah, taas oo keentay in weerar aar goosi ah oo Mareykanku qaadeen lagu dilo 25 maleeshiyo oo ka tirsan kooxd gacan saar la leh Iran.

Gholamali Abuhamzeh, oo kamid ah saraakiisha sare ee ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in Tehran ay ciqaabo doonto Mareykanka meel kasta oo ay ku arkaan isagoo muujiyay in ay beegsan karaan maraakiibta gacanka isaga kala goosha.

Maleeshiyaadka Ciraaqiga ah ee Kataib Hezbollah ayaa ciidanka Ciraaq uga digay in aysan u dhowaanin saldhigyada Mareykanka isla markaana u jirsadaan kumanaan mitar, sida uu baahiyay telefishinka Mayadeen oo raacsan kooxda Xisbulah ee Lubnaan.

Jimcihii, hogaamiyaha ruuxiga ah dalka Iran  Ali Hosseini Khamenei ayaa sheegay in dhimashada Soleimani ay muujin doonto awooda Iran u leedahay in ay iska caabin karto Mareykanka iyo Israel.

Iyadoo laga duulayo walaac amni ka dib weerarkii Jimcihii Xufalada NATO iyo howlgalkii kale oo Mareykanka hogaaminayay oo lagu tababarayay ciidanka Ciraaq in la joojiyay, sida ay sheegeen saraakiil.

Mareykanka ayaa xulafo dhow la ahaa Ciraaq tan iyo 2003 markii duulaan Mareykanka hogaaminayay xukunka looga tuurey  hogaamiyihii dalkaas Saddam Xusen, laakiin sanadihii dambe Ciraaq waxay ku dhowaanaysay siyaasadda Iran.

Ninka bedeli kara al-Muhandis, oo lagu magacaabo Hadi al-Amiri, oo ka hadlayay janaazada taliyaha ayaa sheegay in qiimaha dhiiga kuwa sharafta leh uu keeni doonto in ciidanka Mareykanka ka baxaan Ciraaq isla markaana noqoto dal leh siyaadadiisa dhamaan.

Barlamaanka Ciraaq ayaa maanta leh kulan aan caadi aheyd oo looga hadlayo sidii ciidanka Mareykanka looga saari lahaa dalka, dad badan oo Ciraaqi ah ayaa ka careysan tallaabada Washington ee ku aadan dilka labo hogaamiye ayagoo ka baqaya in dhibaato kale wadanka lugaha la galo.

Janaraal Qassem Soleimani, oo 62 sano jir, ayaa ahaa taliye militiri oo maqaamkiisa aad u sareeyo isagoo madax u ahaa guutada ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ee dibada ka howlgasha, isagoo mas’uul ka ahaa in saameynta Iran ku faafto guud ahaan bariga dhexe.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa lagu sheegay in khadka telefoonka ku wadahadleen isaga iyo dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman  waxay ka wada arinsadeen xaaladda adag Ciraaq iyo gobolka uu iminka wajahayo.

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Xoolo ka dhacay Shacab ku dhaqan degmada Cadalle

Next Post

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Next Post
Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In