Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Walaaca laga qabo dagaal dhexmara Iiraan iyo Mareykanka oo sii kordhaya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Walaaca laga qabo dagaal dhexmara Iiraan iyo Mareykanka oo sii kordhaya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump ayaa Iran ugu goodiyay inay weerari doonaan 52 goobood haddii Iran soo hujuunto Mareykanka ka dib dhimashadii Janaraal Qassem Soleimani oo ah taliyaha guutada Qudus iyo hoggaamiye Maleeshiye Ciraaqi ah.

Trump oo aysan ka muuqan wax dadaalo ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka ayaa Twitterka ku soo qorey hadalkan, isagoo digniin adag u direy xukuumadda Tehran. ” Mareykanka ma doonayo in loo hanjabo!”  ayuu yiri Trump.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

52 weerar ayay noqon doonaan 52 qof ee Amerikanka ahaa oo Iran u afduubnaa 444 maalmood, kuwaas oo laga qabsaday safaaradda Mareykanka ee Tehran bishii November sanadkii 1979.

Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii jimcihii Mareykanka u geysteen taliyaha guutada Quds iyo madaxa maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq Abu Mahdi Al muhandis.

Dhowr gentaal ayaa gudaha iyo agagaarka Baghdad ku dhacay oo ay ku jiraan deegaanka si aadka ah loo ilaaliyo ee green Zone iyo saldhiga Balad oo ay joogaan ciidanka Mareykanka.

Lama soo sheegin in khasaare geysteen duqeymahaas, sida uu sheegay afhayeen u mahadlay militiriga Mareykanka, Colonel Myles B Caggins. isagoo intaas ku daray in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidankiisa balse waxaa jira waxyeelo soo gaartay shacabka Ciraaq.

Caaga cagaaran oo sida aadka ah loo ilaaliyo waxaa ku yaalo safaaradaha dalalka caalamka oo tan Mareykanku ka mid tahay.

Labo gantaal oo lagu magacaabo Katyusha ayaa lagu dhuftay saldhiga Balad oo ku yaala waqooyiga Baghdad halkaas oo fadhiisan u ah ciidanka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan militiriga Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Baghdad iyo 5,200 ee askari Mareykanka ka jooga Ciraaq ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ay wajahayeen duqeymo, hase yeeshee Washington waxay ku eedeysay in ay mas’uul ka yihiin dowladda Iran iyo xuladadeeda Ciraaq ku sugan.

Bishii hore, hal weerar oo ka dhacay waqooyi Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay qandaraasle Mareykanka ah, taas oo keentay in weerar aar goosi ah oo Mareykanku qaadeen lagu dilo 25 maleeshiyo oo ka tirsan kooxd gacan saar la leh Iran.

Gholamali Abuhamzeh, oo kamid ah saraakiisha sare ee ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in Tehran ay ciqaabo doonto Mareykanka meel kasta oo ay ku arkaan isagoo muujiyay in ay beegsan karaan maraakiibta gacanka isaga kala goosha.

Maleeshiyaadka Ciraaqiga ah ee Kataib Hezbollah ayaa ciidanka Ciraaq uga digay in aysan u dhowaanin saldhigyada Mareykanka isla markaana u jirsadaan kumanaan mitar, sida uu baahiyay telefishinka Mayadeen oo raacsan kooxda Xisbulah ee Lubnaan.

Jimcihii, hogaamiyaha ruuxiga ah dalka Iran  Ali Hosseini Khamenei ayaa sheegay in dhimashada Soleimani ay muujin doonto awooda Iran u leedahay in ay iska caabin karto Mareykanka iyo Israel.

Iyadoo laga duulayo walaac amni ka dib weerarkii Jimcihii Xufalada NATO iyo howlgalkii kale oo Mareykanka hogaaminayay oo lagu tababarayay ciidanka Ciraaq in la joojiyay, sida ay sheegeen saraakiil.

Mareykanka ayaa xulafo dhow la ahaa Ciraaq tan iyo 2003 markii duulaan Mareykanka hogaaminayay xukunka looga tuurey  hogaamiyihii dalkaas Saddam Xusen, laakiin sanadihii dambe Ciraaq waxay ku dhowaanaysay siyaasadda Iran.

Ninka bedeli kara al-Muhandis, oo lagu magacaabo Hadi al-Amiri, oo ka hadlayay janaazada taliyaha ayaa sheegay in qiimaha dhiiga kuwa sharafta leh uu keeni doonto in ciidanka Mareykanka ka baxaan Ciraaq isla markaana noqoto dal leh siyaadadiisa dhamaan.

Barlamaanka Ciraaq ayaa maanta leh kulan aan caadi aheyd oo looga hadlayo sidii ciidanka Mareykanka looga saari lahaa dalka, dad badan oo Ciraaqi ah ayaa ka careysan tallaabada Washington ee ku aadan dilka labo hogaamiye ayagoo ka baqaya in dhibaato kale wadanka lugaha la galo.

Janaraal Qassem Soleimani, oo 62 sano jir, ayaa ahaa taliye militiri oo maqaamkiisa aad u sareeyo isagoo madax u ahaa guutada ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ee dibada ka howlgasha, isagoo mas’uul ka ahaa in saameynta Iran ku faafto guud ahaan bariga dhexe.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa lagu sheegay in khadka telefoonka ku wadahadleen isaga iyo dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman  waxay ka wada arinsadeen xaaladda adag Ciraaq iyo gobolka uu iminka wajahayo.

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Xoolo ka dhacay Shacab ku dhaqan degmada Cadalle

Next Post

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Next Post
Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay duqeyn ka dhacdayTripoli

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In