Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-bixin:- Guulihii laga gaaray 27-Sano ka dib horumarinta Filimada Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
War-bixin:- Guulihii laga gaaray 27-Sano ka dib horumarinta Filimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horumarinta Aflaamka Soomaaliyeed iyo in ay Filamadu noqdaan kuwo xambaarsan farriimo kala duwan oo Dadka wacyi-geliya ayay dedaal ballaaran ugu jirtaa Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed 27- Sano ka dib.

 

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qabtay shir looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa loona tayayn lahaa Aflaamta ku baxda Afka Soomaaliga, iyadoo ay jiraan dedaallo waqti badan socday balse haatan marayo meel gaba-gabo ah.

Saalax Shire Aaden (Shabeel) Agaasimaha Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in muddadii ay Wakaaladdu dib u billoowday howlaheeda ay sameeyeen xiriirro kala duwan, gaar ahaan Dowladaha Talyaaniga, Ingiriiska iyo Masar oo ay Soomaaliya si dhow ugu wada shaqayn jireen arrimaha Filimada.

Agaasime Shabeel, ayaa intaa ku daray in ay Dowladahaasi ka codsadeen in ay kusoo wareejiyaan muuqaalladii ay duubeen iyo xogihii ay Dalka ka hayeen, isagoo sheegay in ay haatan Gacanta ku hayaan, sida muuqaallo, qoraalla, Sawirro, Jeldiyadii Manaahijta iyo Codad kala duwan.

“Waxaannu haynaa muuqaallo, qoraallo, Sawirro iyo Codad kala duwan, waxaa kaloo ku jira Bogga Koobaad ee Buugaagtii Manaahijta wax-barashada, sida Sayniskii, Soomaaligii, Xisaabtii, waxaanan la wefaagi doonnaa hay’addii ku shaqada lahayd’, ayuu yiri Agaasime Shabeel.

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in ay Dowladda Talyaaniga ka codsadeen inay tababarro siiyaan shaqaalaha Wakaaladda, si loo tayeeyo qibradda iyo waaya-aragnimada Dhallinyarada ku howlan soo saarista Filimada Soomaaliyeed.

Aflaamta sidda farriimaha muhiimka ah ayaa loo arkaa in ay qeyb weyn ku leeyihiin horumarinta iyo isbeddellada wacy-gelinta xambaarsan ee Bulshada qeybaheeda kala duwan, sida ay qabaan qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed.

Maki Xaaji Banaadir oo ka mid ah Fannaanto Soomaaliyeed ayaa sheegay in Filimka uu u baahan yahay aqoon iyo barasho gaar ah haddii taasi la helana ay ku filan tahay Dad yar oo fahamsan howsha ay qabanayaan.

Maxamed Abuukar oo isna ah qoraa ka howl-gala Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in horumarinta Aflaamta iyo shaqada Wakaaladda filimada ay yihiin Laba arrimood oo isku xiran oo aan kala maarmin.

Wuxuu sheegay in dib u howl-gelinta Wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay tahay mid saamayn xooggan ku leh dar-dar gelinta shaqadii Filimada oo aan muddo 27- Sano ah laga samayn Filim tayo leh Dalka Soomaaliyeed.

Muyaddiin Khalliif oo ka mid ah Shaqaalihii hore ee Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay dib u howl-gelinta Wakaaladda, wuxuuna sheegay in tallaabadani tahay billow fiican oo yididiilo leh, isagoo ugu mahad celiyay Agaasimaha Wakaaladda dib u xusuusinta leh ee uu qabtay.

Agaasimaha Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, Saalax Shire Aaden, ayaa sheegay in la diyaariyay sharcigii hubinta tayada iyo anshaxa Filimada, wuxuuna xusay in uu dhowaan qabsoomi doono shir lagu soo bandhigayo sharcigaasi, kaas oo ay ku casuumayaan bahda Aflaamta Soomaaliyeed ee madaxa bannaan.

W/D. Aamina Xuseen Maxamed

Previous Post

Gudoomiye ku xigeenka degmada Yaaqshiid Deeq Muxumad oo ka hadlay horumarka degmada”Dhageyso”

Next Post

Shirweynaha soo-bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta Qaran oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi

Shirweynaha soo-bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta Qaran oo lagu qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In