Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Heer Faderaal iyo Goboleed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Heer Faderaal iyo Goboleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii Afraad ee ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, intii u dhaxeysay 30ka Maarso ilaa 1da Abriil 2019. Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada iyo farsamo yaqaannada wasaaradaha.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026

Shirku intuu socday waxaa lagu falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah, go’aamadii ka soo baxayna waa sida hoos ku xusan:-

  1. Imtixaanaadka

Xogta waxbarashada ee gobolada dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.

  1. T) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa.
  2. J) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba, wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn shuruudo kale.
  3. X) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda.
  4. KH) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020.
  5. D) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020, imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed oo kaliya.
  6. Horumarinta macallinka

Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo macalimiinta iyo tayayntooda.

  1. T) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee heer federaal & heer dowlad goboleed.
  2. J) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin.
  3. X) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo lagu taageerayo waxbarashada.
  4. Mashaariicda waxbarashada

Waxaa la isku raacay in mashaariicda waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September 19, 2016.

  1. T) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Previous Post

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka hadlay dejinta ajandayaasha kulamada soo socda+sawiro

Next Post

Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Next Post
Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In