Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR-MURTIYEED:- Shirka Soomaalida Madasha Aragti wadaaga ee Jabuuti

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
WAR-MURTIYEED:- Shirka Soomaalida Madasha Aragti wadaaga ee Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii Aragti Wadaagga Soomaida ee ka socday dalka Jabuuti oo maanta lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Shirka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saarey:

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

1. Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
2. Qadiyadda Somaliland
3. Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
4. Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedkii oo kooban:

* Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.

* Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.

* Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.

* Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.

* Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.

* Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.

* Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

* Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

* Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.

– Shirka waxaa soo xidhay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.

Previous Post

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo gaaray Baydhabo + Sawirro

Next Post

Taliyihii Xabsiga dhexe General Maxamed Cumar oo shaqo joojin lagu sameeyey

Next Post
Taliyihii Xabsiga dhexe General Maxamed Cumar oo shaqo joojin lagu sameeyey

Taliyihii Xabsiga dhexe General Maxamed Cumar oo shaqo joojin lagu sameeyey

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In