Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 17, 2020
in Wararka
0
WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen ku-simaha Raisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.

Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.

Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda;

  1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah, kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisanyahay Dowlad Goboleed kasta.
  3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
  4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
  6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
  8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
  9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
  12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in Warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
  13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
  14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
  15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cusub Ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyay Dhabad “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Waxbarashada Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyay Dhabad “SAWIRRO”

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyay Dhabad “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In