Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR-MURTIYEED WADAJIR AH OO KU SAABSAN KULANKA TALIYAASHA CIIDANKA QARANKA EE SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
WAR-MURTIYEED WADAJIR AH OO KU SAABSAN KULANKA TALIYAASHA CIIDANKA QARANKA EE SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya.

2. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026

Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Field Marshal Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal.

4. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

5. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM.

6. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.

7. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

8. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.

9. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.

Waxaa lagu saxiixay Muqdisho, Soomaaliya, 22-ka Febraayo 2025.

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qorshaha Isbadalka Qaranka

Next Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

Next Post
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In