Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Raโ€™iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

4.Keddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

5.Golahu, markiiuu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku xigeenka Petrol ka iyo Macdanta oo Istanbul uga qeybgalay Shir Caalami ah – Sawirro

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku xigeenka Petrol ka iyo Macdanta oo Istanbul uga qeybgalay Shir Caalami ah – Sawirro

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku xigeenka Petrol ka iyo Macdanta oo Istanbul uga qeybgalay Shir Caalami ah - Sawirro

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

August 22, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In