Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la saxiixay

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la saxiixay

March 28, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya;

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka;

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dadaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

DHAMMAAD

 

Previous Post

EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

Next Post

On brotherly Relations and Comprehensive Cooperation

Next Post
AKHRISO: Hadaljeedinta Madaxweynaha JFS ee casho sharaftii soo dhaweynta ahayd ee Eriteriya

On brotherly Relations and Comprehensive Cooperation

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la saxiixay

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo la saxiixay

March 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah u ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas...

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

March 28, 2026
0

Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee dalka Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In