Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka Meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka IGAD oo lagu boggaadiyey doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka qabsoonta.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeedka Meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka IGAD oo lagu boggaadiyey doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka qabsoonta.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khartuum, Luuliyo 14, 2020: Waxa uu shirku xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan , wuxuuna ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliya in ay muhiimadda saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyaga oo u maraya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.

Shirku wuxuu dhiirigaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu booriyey dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025

Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;

“Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaarae Abiye Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara”.

Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay badqab ugu noolaan lahaayeen.

 

 

Previous Post

Golaha shacabka oo maanta Akhrinta labaad marsiinaya sharci muhiim ah

Next Post

Ciidanka xoogga oo jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab

Next Post
Ciidanka xoogga oo jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab

Ciidanka xoogga oo jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In