Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Murtiyeedka Shirka Wada-Tashigga Wasaaradaha Boostada ee Federaalka & Dowlad-Goboleedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
War Murtiyeedka Shirka Wada-Tashigga Wasaaradaha Boostada ee Federaalka & Dowlad-Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federaal ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Casriga ah ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta ee Galmudug, Mudane Xildh. Aadan Xaaji Xasan; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koofur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Tiknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jubbaland, Mudane Cabdi Xuseen Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay wada-shaqeynta wasaaradda iyo Wasaaraddaha ku beegan ee dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dowlad gobleed iyo Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta.

Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan:

1.Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey.

3.Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka.

4.Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran.

5.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta.

6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed.

7.In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka.

8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019.

9.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda.

10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca.

11.In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka.

12.In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada.

13.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto.

  1. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka.
  2. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah.
  3. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed.
  4. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  5. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah
  6. In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda.

 

 

Previous Post

Jeneraal Zakiya oo Faahfaahin ka bixisay Qarax ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In