Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Murtiyeedka Shirka Wada-Tashigga Wasaaradaha Boostada ee Federaalka & Dowlad-Goboleedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
War Murtiyeedka Shirka Wada-Tashigga Wasaaradaha Boostada ee Federaalka & Dowlad-Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.

 

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federaal ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Casriga ah ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta ee Galmudug, Mudane Xildh. Aadan Xaaji Xasan; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koofur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Tiknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jubbaland, Mudane Cabdi Xuseen Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay wada-shaqeynta wasaaradda iyo Wasaaraddaha ku beegan ee dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dowlad gobleed iyo Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta.

Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan:

1.Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey.

3.Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka.

4.Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran.

5.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta.

6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed.

7.In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka.

8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019.

9.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda.

10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca.

11.In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka.

12.In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada.

13.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto.

  1. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka.
  2. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah.
  3. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed.
  4. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  5. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah
  6. In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda.

 

 

Previous Post

Jeneraal Zakiya oo Faahfaahin ka bixisay Qarax ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In