Mogadishu, 14’ka Janaayo 2023: Dowladda Federaalka Soomaaliya baahisay digniinta ku saabsan la macaamilka Khawaarijta iyo in aan la siin Karin lacagaha baada taariikhdu markay ahayd 23’kii Oktoobar 2022. Dowladda ayaa shacabka la wadaagtay taleefano ay kala soo xariiri karaan si ay u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan maalgelinta argagixisada. Intaas wixii ka dambeeyey shacab fara badan ayaa dowladda la wadaagayey macluumaad muhiim ah oo ku saabsan khawaarijta.
Dad ka badan 3 kun oo qofoof ayaa soo gudbiyey macluumaad kala duwan oo ku saabsan maalgelinta argagixisada. Kuwaas oo nala wadaagay akoono ay lacagta ku qaadaan iyo taleefan numbers lacagta lagu tuuro.
Mudo 80 cesho gudahood ah dowladda Soomaaliya iyadoo ka duulaysa macluumaadka ay shacabka la wadaagayeen waxay xayirtay 250 akoon bangi iyo 70 mobile money oo kala duwan.
Akoonada iyo taleefanada la xayiray ayaa waxaa ku jira lacago fara badan oo doolar ah oo si Khasab ah looga qaaday shacabka Soomaaliyeed.
Baaritaan iyo gorfeyn ka dib, dhammaan akoonada iyo taleefanada la xayiray waxay mari doonaan hanaanka u degsan dowladda Soomaaliya. Cidii ay ku cadaato dembiga waxaa la hor keeni doonaa sharciga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyada oo kala dagaalamaysa dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee xogaha muhiimka ah la wadaagay dowladda. Ballanteenu waa in aan khawaarijta ka cirib tirno wadankeena si aysan lacago baad ah uga qaadin shacabkeena.
Fadlan sii wada in aad nala soo wadaagtaan xogta ku saabsan maalgelinta khawaarijta idinkoo soo wacaya taleefanada kala ah:
0610404036 & 0610404037