Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-saxaafadeed:- Hay’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta Qaranka oo faah-faahin ka bixiyay howlgalkii xalay

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18 December 2017 – Sidaad la socotiinba hay’adaha Amniga iyo Xeer Illaalinta waxey maalmahan wadeen baaris danbiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu tuhunsanyahay fal dambiyeedyo Qiyaano Qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaamka dowladnimada. Waxaa reeban in muwaadin uu u adeego dano shisheeye oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen. Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.

Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.

Sidaas daraadeed, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo sharci-fulinta, iyadoo Dowladda Federaalka ay dammaanad qaadeyso xaquuqda muwaadin kasta uu siiyey dastuurka iyo shuruucda dalka. Muwaadinkan waxuu helayaa baaris hufan waxaana la horgeynayaa maxkamada awooda u leh oo uu ka heli doono caddaalad.

Ugu danbeyntii, shacabka Soomaaliyeed, waxaa loogu baaqayaa inay kaalin ka qaataan amniga iyo nabadeynta kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni. Muwaadin kasta waxaa waajib ka saaran yahay inuu danta guud ee dalka uu ka horumariyo danihiisa gaar-gaarka ah.

Previous Post

Nin Wakiil u ahaa Kuuriyada Waqooyi oo lagu xiray Australia

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In