Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR SAXAAFADEED: MAALINTA SAXAAFADDA ADDUUNKA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalinta 3-da May 2019, Waxaa dunida looga dabaaldegayaa sanad-guuradii 26-aad ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda caalamka. Sanadkan, waxaa mowduuca caalamiga ah uu yahay “Warbaahinta Demoqraadiyadda: Saxaafadda iyo Doorashooyinka xilliyada Been-abuurka.”

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDH&D) ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa dhamaan Saxaafadda Soomaaliyeed  si gaar ah iyo guud ahaan saxaafadda caalamka maalintan muhiimka ah.

Ilaa boqol xafladood oo maalintan lagu xusayo ayaa ka dhacaya dunida oo dhan si loogu dabaaldego 26 guurada ka soo wareegtay xuska. Iyadoo, saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya difaacooda ay ka wada hadlayaan dhibaatooyinka soo wajay warbaahinta ee dhinaca doorashooyinka, iyo sidoo kale sida warbaahinta u taageeri karto nabadda iyo geedi socodka dib u heshiisiinta.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin badan waxay la qabaan saxaafadda kale ee caalamka, balse, ay u dheer tahay walwal dhinaca amniga ah.

Waxaa naga go’an ilaalinta xoriyatul qawlka sida uu cadeynayo qodobka 18-aad ee dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka been abuurka, Soomaaliya way ka mid tahay dalalka ay saameeyeen, sidaa darted waxaan warbaahinta kala shaqeyneynaa sidii xal loogu heli lahaa xogta aan jirin ama been abuurka, sida iyadoo warbaahintu fuliso Xeerka Saxaafadda, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo sameyn lahaa siyaasadda anshaxa saxaafadda oo dalkeenu uu yeesho.

Wasaaradda Warfaafintu, waxay si adag ugu howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa bii’ada ay warbaahinta dalku ku shaqeyso. Waxay abuurtay Waax ka tirsan Wasaaradda, oo ka shaqeysa Xiriirinta xukuumadda iyo warbaahinta gaarka ah si warbaahinta gaarka ah u helaan  xog kasta oo ay ka doonayaan dowladda (Access to Information). Xafiisku, wuxuu u fududeeyaa warbaahinta munaasabadaha iyo shirarka jaraa’id ee dowladda iyo la xaqiijiyo amniga saxafiyiinta dalka.

Wasaaradda Warfaafintu, waxay xiriir dhow la leedahay warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo kulamo la yeelata looga tashado xiriirka labada dhinac, iyagoo ka wada shaqeeyay istaraatiijiyadda horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan ku howlan nahay abuuridda Guddiga ka kooban qeybaha daneeya saxaafadda oo ka shaqeeya Badqabka Saxafiga Soomaaliya. Wuxuu guddiga ka koobnaanayaa xubno ka tirsan hey’adaha dowladda, Warbaahinta Gaarka ah iyo Ururada Bulshada.

Wax ka badalka Xeerka Warbaahinta ayaa maray wadatashi baahsan oo lala sameeyay Warbaahita Gaarka ah iyo Daneeyayaasha Warbaahinta, oo ay ku jiraan saaxiibadeena caalamka. Xeerka Warbaahinta ee wax laga badalay wuxuu hadda horyaallaa Baarlamaanka Federaalka si uu u ansixiyo. Hase yeeshee, hadii ay jiraan qodobo wali u baahan wax ka badal, waxaa furan in laga wadahadlo kadib marka baarlamaanku ansixiyo nuqulka xeerka ee hadda horyaalla, Wasaaraduna wey ka go’an tahay in ay tixgaliso soo jeedin kasta ee waxtar leh ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ay soo jeediyaan, iyadoo loo marayo nidaamka.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxay u xilsaaran tahay maamulka warbaahinta dalka iyo abuuridda siyaasadaha horumarinta, abuuridda jawi ay warbaahintu si madaxbanaan ugu shaqeyn karto isla markaana ay xaqiijiyo badqabka saxafiga. Wasaaraddu waxay soo dhoweyneysaa ra’yiga lagu soo kordhiyo iyo talooyinka la xiriira sidii loo horumarin lahaa saxaafadda dalka si waafaqsan Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Garoowe oo ka furmaya shir wadatashi ah

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Garoowe oo ka furmaya shir wadatashi ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In