Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR SAXAAFADEED: MAALINTA SAXAAFADDA ADDUUNKA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalinta 3-da May 2019, Waxaa dunida looga dabaaldegayaa sanad-guuradii 26-aad ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda caalamka. Sanadkan, waxaa mowduuca caalamiga ah uu yahay “Warbaahinta Demoqraadiyadda: Saxaafadda iyo Doorashooyinka xilliyada Been-abuurka.”

 

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDH&D) ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa dhamaan Saxaafadda Soomaaliyeed  si gaar ah iyo guud ahaan saxaafadda caalamka maalintan muhiimka ah.

Ilaa boqol xafladood oo maalintan lagu xusayo ayaa ka dhacaya dunida oo dhan si loogu dabaaldego 26 guurada ka soo wareegtay xuska. Iyadoo, saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya difaacooda ay ka wada hadlayaan dhibaatooyinka soo wajay warbaahinta ee dhinaca doorashooyinka, iyo sidoo kale sida warbaahinta u taageeri karto nabadda iyo geedi socodka dib u heshiisiinta.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin badan waxay la qabaan saxaafadda kale ee caalamka, balse, ay u dheer tahay walwal dhinaca amniga ah.

Waxaa naga go’an ilaalinta xoriyatul qawlka sida uu cadeynayo qodobka 18-aad ee dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka been abuurka, Soomaaliya way ka mid tahay dalalka ay saameeyeen, sidaa darted waxaan warbaahinta kala shaqeyneynaa sidii xal loogu heli lahaa xogta aan jirin ama been abuurka, sida iyadoo warbaahintu fuliso Xeerka Saxaafadda, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo sameyn lahaa siyaasadda anshaxa saxaafadda oo dalkeenu uu yeesho.

Wasaaradda Warfaafintu, waxay si adag ugu howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa bii’ada ay warbaahinta dalku ku shaqeyso. Waxay abuurtay Waax ka tirsan Wasaaradda, oo ka shaqeysa Xiriirinta xukuumadda iyo warbaahinta gaarka ah si warbaahinta gaarka ah u helaan  xog kasta oo ay ka doonayaan dowladda (Access to Information). Xafiisku, wuxuu u fududeeyaa warbaahinta munaasabadaha iyo shirarka jaraa’id ee dowladda iyo la xaqiijiyo amniga saxafiyiinta dalka.

Wasaaradda Warfaafintu, waxay xiriir dhow la leedahay warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo kulamo la yeelata looga tashado xiriirka labada dhinac, iyagoo ka wada shaqeeyay istaraatiijiyadda horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan ku howlan nahay abuuridda Guddiga ka kooban qeybaha daneeya saxaafadda oo ka shaqeeya Badqabka Saxafiga Soomaaliya. Wuxuu guddiga ka koobnaanayaa xubno ka tirsan hey’adaha dowladda, Warbaahinta Gaarka ah iyo Ururada Bulshada.

Wax ka badalka Xeerka Warbaahinta ayaa maray wadatashi baahsan oo lala sameeyay Warbaahita Gaarka ah iyo Daneeyayaasha Warbaahinta, oo ay ku jiraan saaxiibadeena caalamka. Xeerka Warbaahinta ee wax laga badalay wuxuu hadda horyaallaa Baarlamaanka Federaalka si uu u ansixiyo. Hase yeeshee, hadii ay jiraan qodobo wali u baahan wax ka badal, waxaa furan in laga wadahadlo kadib marka baarlamaanku ansixiyo nuqulka xeerka ee hadda horyaalla, Wasaaraduna wey ka go’an tahay in ay tixgaliso soo jeedin kasta ee waxtar leh ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ay soo jeediyaan, iyadoo loo marayo nidaamka.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxay u xilsaaran tahay maamulka warbaahinta dalka iyo abuuridda siyaasadaha horumarinta, abuuridda jawi ay warbaahintu si madaxbanaan ugu shaqeyn karto isla markaana ay xaqiijiyo badqabka saxafiga. Wasaaraddu waxay soo dhoweyneysaa ra’yiga lagu soo kordhiyo iyo talooyinka la xiriira sidii loo horumarin lahaa saxaafadda dalka si waafaqsan Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Garoowe oo ka furmaya shir wadatashi ah

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Garoowe oo ka furmaya shir wadatashi ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In