Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Kenya,QM iyo Mareykanka oo cambaareeyey

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Kenya,QM iyo Mareykanka oo cambaareeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey  weerarkii ka dhacay Hotel Dusit2 ee xaafadda Westland ee Nairobi,kadib markii kooxo huabysan ay qaraxyo iyo rasaas ay ku weerareen halkaasi,balse ciidamada ammaanka ayaa dad badan ka badbaadiyay weerarkaasi.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sida uu qorey wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxay dalka Kenya,ilaa 6 qof ayaa lagu soo waramaya in ay gaartay dhimashada,halka ilaa 30 qof dad lagu qayaasayana ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada kuyaala magaalada Nairoobi,kuwaasi oo isugu jira Kenyan iyo dad kale oo ajaanib ah oo ku sugnaa hotelka weerarka uu ka dhacay iyo ag agaarkiisa.

Joseph Boinnet oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa sheegay in 5 qof ay ku dhinteen maqaayad ku taala hotelka,kadib markii qof naftii halige ah isku qarxiyay halkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in haatan dalka uu yahay mid bad qaba islamarkaana ay ku guuleysteen xakamaynat weerarkii ka dhacay Westland,Fred Matiang oo ha wasiirka amniga gudaha dalkaasi Kenya ayaa sheegay in dhismayaashii weerarka uu ka dhacay ay haatan yihiin kuwa ammaan ah,ayna ku sugan yihiin ciidamada nabad geliyada.

Fred Matiang wuxuu sheegay in marnaba aanay guuleysan doonin argagixisada,isago ugu baaqay shacabka Kenya in ay muujiyaan dowrkoodi ku aadan ka hortaga falalkaasi guracan.

Dhanka kale Mareykanka iyo QM ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi, Antonio Guterres xog-hayaha guud ee QM ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Kenya.

Sidoo kale war ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo Kenya sidii looga caawin lahaa amniga iyo xaqiijinta iyo ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo waxyeelo soo gaartay iyo in kale.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir ” Sawirro”

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In