Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Awoodii kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab oo sii wiiqmeysa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sameeyay Geddo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa si isdabajoog ah gacantooda u soo galayey saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Hey’aha ammaanka oo xuuraan badan ka heleyey hey’adda sirdoon iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa kaa hortagay qaraxyo, iyagoo sidoo kale howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen ku soo qabtay horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayey Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobollada dalka. waxaa jiray kuwa si iskood iskugu soo dhiibay hey’adaha ammaanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Hadaba Warbixintan ayaa daaha ka rogeysa xilliyada la fuliyey howlgallada guuleystay ee ka dhanka ahaa kooxda argagaxisa ah ee Al-shabaab.

Aug 29

NISA ayaa Degmada Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ahaa Warbaahinta Al-Shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan

Aug 27

NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Degmada Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladaha Qaraxyada laga sameeyo.

Jul 15

ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho.

Jul 11

Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen bannaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsanaa AlShabaab iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi.

Jun 29

Waxaa NISA isusoo dhiibay Mukhtaar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa kooxdaas.

May 27

Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Degmada . Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Al Shabaab, Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah xubnaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo ISIS.

May 25

Hawlgal 24ka bishi May ciidamada amnigu ka fuliyeen degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsanaa ISIS. Waxaana War qoraal ah oo kazoo baxay Ciidamada amniga lagu sheegay in Ciidanka amnigu uu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada Alshabaab iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka.

May 10

Howlgal ciidamada amnigu kafuliyeen tuulada Farsooley ayaa lagu soo qabtay dhagarqabayaal Alshabaab ahaa. Waxaana Howlgalkan gacan ka gaysanaya xoriyadda dadka tuulada Farsooley oo dhib badan ay ku hayeen kooxda Alshabaab, Ciidanka ayaana sheegay iany sii wadi doonaa hawlgallada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabab.

May 7

Sagaal (9) Sarkaal oo Alshabab ahaa ayaa iska soo dhiibay gobalka Gedo. Waxaana ka mid ahaa laba sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacawada( Propaganda-da) Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).

May 2

Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AlShabaab ahaa oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Waxana Ciidanka uu sheegay inuu sii wadi doono hawlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha kooxda Argagaxisa ah ee Al-shabaab.

SONNA

Previous Post

Ra’iisul Wasaara Khayre oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur galbeed

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ku dhawaaqday guddi Qaran ee Taclinta Sare oo KMG ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ku dhawaaqday guddi Qaran ee Taclinta Sare oo KMG ah “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ku dhawaaqday guddi Qaran ee Taclinta Sare oo KMG ah "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In