Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Faashilka Kooxda AL-Shabaab iyo Guushii Shacabkeena

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Banaan bax lagu dalbanayo maqaamka caasimadda oo ka socda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab waxa ay utaagan yihiin dhibaataynta iyo daadinta diigga dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyaga oo aan u aaba yeelin nooca qof ee ay dilayaan muhiimadda uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed, waana sababaha ay mar waliba u laayaan Culimada, Dhaqaatiirta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Haweenka, waxaana ficiladooda ka muuqda cadaawada fog ee ay u qabaan Ummadda Soomaaliyeed.

Kooxdaan oo markii hore Dadka iskaga dhigi jirtay kuwo danaynaya diinta Alle iyo in ay doonayaan xukun Islaami ah, ayaa hadana waxaa soo baxday in ujeedkooda dhabta ah ay ka duwan tahay dhamaan wanaagii ay markii hore ku beer laxowsan jireen dadka, maadaama ayba iyagu yihiin kuwo kusoo duulay Diinta Islaamka iyo dadkeeda. Dhacdooyin badan oo ay geeysteen kuwaas oo iskugu jira dilal iyo qaraxyo ayay Ummaddeenu ku ogaadeen dhamaan xumaanta ay la maagan tahay kooxdaan khawaariijta ah ee al-Shabaab, waana sababta keentay in maanta meel kasta ay noqdaan kuwo la raadsanayo oo dagaalkooda bulshadu u Midowdo, iyaguna ay noqdeen Tukke Canbaar leh oo Ceebtooda meel ay istaagaan waayeen.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Si kasta oo ay iskugu dayaan in ay bulshada ku beer laxowsadan waxaa aysan awoodin in dadku warkooda maqlo ama dhegeysto maadaama la ogaaday u jeedadooda dhabta ah ee ay rabaan oo ah in maalin walba dadkeena Boqolaal ka mid ah sida Xoolihii u laayaan tusaale qaraxyadii kooxdaas ay ku laysay dadkii Soomaaliyeed ee ku ganacsanayay km5 Ex Soobe 14 October 2017 iyo 03 12 2009 Shaamow oo ay ku laayeen dhaqaatiir iyo arday baratay cilmiga caafimaadka oo intooda badani ka dhashay reero dan yar ahaa markii cilmigooda iyo xoogooda ay dadkoodu ku manaafacaadi lahaayeena ay laayeen kooxda khawaariijta ah ee Al-Shabaab iyo kuwii ay ka gaysteen Liido, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo goobo kale oo ay ku lahaayeen dad Soomaaliyeed dhallinyaro wax ku soo bartay duruufo adag oo doonayay in dadkooda ay u adeegaan.

Dhacdooyinka xun ee layaabka leh oo kooxdaan Khawaariijta ah ee Al-Shabaab ku kacday waxaa ka mid ah in Ummaddii ay u diiden in ay cibaadeystaan iyaga oo masaajida Alle iyo madaarista Diinta lagu barto labadaba dadka ka hor Istaagaan, kuwa ku dhega adeegaya in ay tagaan goobaha cibaadada ay marar badan ku dileen sidoo kale waxaa lagu yaqaan in ay dileen Culimo mudo dheer Diinta Islaamka kasoo shaqaynaysay oo xitaa ay ku dhex dileen Masaajid gudahood, iyaga oo salaad ku jira waliba ku faana dilka Culimada iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn waxaa muuqata in kooxdaan la gaaray dhamaadkooda isla markaana bulshadeenu diyaar u yihiin in ay iska ridaan heeryaha gumaysiga iyo u adeegayaasha cadawga Alle oo ah al-Shabaab, dadkeenuna ay u guntadeen garab is taagida dowladnimada Soomaaliyed.

DHAMAAD

W/Q Mohamed Sahardiid

Previous Post

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Next Post

Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

Next Post
Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

Dhageyso: Sheekh Cabdulle Aw-cariif oo ka hadlay Xuska dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH)

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In