Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WARBIXIN:- Gulufka Ciidamada Qaranka Iyo Firxadka Alshabaab!!

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
WARBIXIN:- Gulufka Ciidamada Qaranka Iyo Firxadka Alshabaab!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

in badan ayaa la sugayaayey in maalin uun la arko iyada oo lagu dhiiran karo wax ka sheegga foolxumooyinka ay sameeyaan Argagixisada Alshabaab, in badan ayaa la dhawrayey in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaado kooxdaan wax yeelooyinka iyo gumaadka ba’an ku haayey shacuubta soomaaliyeed.in badan ayay umadda Soomaaliyeed sugayeen in ay indhahooda ku arkaan jabka Qawlaysatada Alshabaab iyo iyaga oo sii kala ordaya ka dib markii ay u gacan qaadaan ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed oo kaashanaya Soomaalida horusocodka ah ee dalka iyo dadka soomaaliyeed jecel in ay xoroobaan.

Maanta ayaa la arkay in ruux kasta oo ka mid ah Muwaadiniinta soomaaliyeed isaga oo u heelan la dagaalanka cadawga argagixisada Alshabaab, waxaa kacay dhiigga qof kasta oo soomaaliyeed ka dib markii uu arkay ama uu maqlay dhacdadii 14ka Oct , ka dibna uu dhagaystay qudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud. Max’ed C/laahi Farmaajo.oo runtii tilmaamaysay in Kooxdaan nabadiidka ah ee la magac baxday Alshabaab aysan ahayn koox ku dagaalamaysa Diin iyo xuquuq ka maqan, balse ay yihiin cadaw loo soo wakiishay daadinta dhiigga umadda soomaaliyeed ee muslimka ah.

Durbadiiba waxaa is diyaariyey ciidamada geesiyiinta ah ee Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta xalaasha ah ee ay ka go’an tahay in ay dadka iyo dalkoodaba ka xoreeyaan cadwga Alshabaab, waxaa biloowday abaabul  cilmiyeysan oo ay hogaan ka yihiin madaxda sare ee qaranka waxaana la bilaabay baacsiga kooxda qawlaysatada ah ee alshabaab.

Waxaa lagu weeraray goobo fara ku tirsi ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen in dhawaalaba kana soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka masaakiinta ah oo ku nool qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka sida Caasimadda.

Ciidamada Qaranka ayaa u dhigay daruus lama iloobaan ah dhamaan goobihii ay  cadawgaasi kula kulmeen, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la hadashay qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan deegeenada Alshaab ay ku suganyihiin ay sheegay in qaar ka mid ah cadawga oo ay ciidamadu soo gaarin ka sii firxanayaan goobaha ay ka joogaan ka dib markii loo soo sheegay  kuwii lagu qaabilay goobaha kale wixii gaaray iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ciidamada geesiyiinta ah ee Qaranka.

Guulaha lixaad leh oo ay ciidamadu ka soo hooyeen cadawga Alshabaab ma aha qaar tiro lagu soo koobi karo balse ma aha mid ay kaligood soo hooyeen, waxaase hubaal ah in qaybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen la dagaalnka cadawgaas , gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed.

Todobaadkii la soo dhaafay  waxaa furrimaha dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab gaaray wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka  Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed ,waxayna ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Alshabaab gaarsiiyeen deeq dhaxal gal ah oo niyadda ciidamada qaranka kor u qaaday isla markaana dareen siisay in aysan kaligood la dagaalamaynin cadawga.

Haweenkaas furimaha tagay waxay la hadleen Ciidamada goobahaasi ku sugan ee xabadda cadwga laabta u dhiganaya si ay dalkooda uga dul qaadaan heeryada uu dulsaaray Cadawga Alshabaab, waxayna u balan qaadeen in aysan marnaba ka maqnaan doonin goobaha ay  joogaan ciidanka mar kastana ay soo booqan doonaan ,islamarkaana ay u dhimanayaan dalkooda iyo dadkooda, waxayna intaas ku dareen inta alshabaab ay dalka goob kaliya ka haystaan  aysan seexan doonin furimaha dagaalkana aan laga waayi doonin haweenka Soomaaliyeed, sida ciidamada Qaranka oo kalana ay iyaguna u joogi doonaan.

Midnimada Shacabka iyo Ciidanka qaranka waxay dhabar wareen ku noqotay cadawga Alshabaab oo in badan iyo sanado aan tirsi lahayn isku dirka dadka soomaaliyeed, dilka, gawraca iyo kufsiba ku haayey umadda soomaaliyeed, laakiin Alshabaab iyo Amiiradoodaba waxaa maanta u cadaatay haddii shacabka Soomaaliyeed uu midoobo in aysan galaas biyo ah ka sii cabbi doonin dalka Soomaaliya xitaa aan iraahdo Geeska Afrika dalaka kulaala oo dhan.

W/Q :-C/risaaq Axamed Absuge

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Next Post

Madxweyne Mogabe oo xilkii hoggaaminta Xisbiga Zanu PF laga qaaday

Next Post
Madaxweyne Robert Mogabe oo diiday in uu iscasilo

Madxweyne Mogabe oo xilkii hoggaaminta Xisbiga Zanu PF laga qaaday

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In