Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin:Halyeey aaan la hilmaami doonin (Hodon Naaleeye)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Warbixin:Halyeey aaan la hilmaami doonin (Hodon Naaleeye)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha unxariistee Walaasheen Hodon Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada laasacaanood ee gobolka sool  sannadkii 1976,iyadoo waxbarashadeedii hoose kusoo qaadatay halkaasi, kadibna iyadoo da’yar ayey u  safartay wadanka kanada markii dagaalada Sokeeye ay dalka ka bilowdeen

waxay wax barshada dugsiga sare kaga baxaday Machadka West Humber halka heerkeeda koowaad ee Jaamacadda ay ka soo qalin jabisay Jaamacadda Windosor,iyadoo sidoo kale shahaado dheeri ah ka qaadatay kuliyadda Saxaafadda.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Markii ay jaamacada ka qalin jabisay ayey bilowday barnaamijka is-dhex-galka  integration oo ah barnaamij muuqaalaad ka bixi jiray Tvga kaasoo ka hadlaya isdhexgalka barnaamijkaas waxay markii dambe ka baahin jirtay youtube-ka si ay u sheegto “sheekooyin wanaagsan” ee soomaalida uguna  dhiirrigeliso kuwa qurba-joogta ah ee la halgamaya nolosha

Maadaama ay aheyd gabar wariye ah oo aadna ugu wanaagsan xirfadda saxaafada ayey go’aansatay inay codkeeda ku taageerto dadka iyo dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaayey colaado iyo dagaalo sokeeye,  waxayna sameysay barnaamijyo wax ku ool ah oo ka hadlaya horumarka ballaaran ee kajira dalka iyadoo booqatay goobo badan oo dalxiiska ku wacan kuwaasoo ay kula kulantay dad badan oo soomaaliyeed oo xitaa qaarkood dalka dibadiisa ka yimid si ay dalka u maalgashtaan. Goobaha inta badan ay booqanaysay waxaa kamid ah gobolka sool gaar ahaan magaalada laasacano oo ah meesha ay kaoo jeeddo. Hakaasoo ay kazoo diyaarisay barnaamij badan oo ku ool ahaa.

‘U jeedkeeda ugu weyn waxa uu ahaa in fikradaha aan wanaagsanayn ee waddamada reer galbeedka ay Soomaliya ka aaminsan yihiin meesha ka saarto oo ay muujiyo wanaagga soomaaliya oo markasta dadka waxa ay u sheegi jirtay in soomaaliya ay mustqabal ifayo leedahay ” ayuu intaasi ku sii daray weriye ilka case.

Markii ugu horeysay ee ay ka soo safartay kanada waxay aheyd sanadkii 2011 markaasoo ay timid xeryaha qaxootiga Kenya ee dhadhaab halkaasoo ay dagaanaayeen boqolaal kun oo qaxooti soomaaliyed, waxayna halkaasi kula kulantay dad badan oo soomaali iyo ajanabi isugu jira  kuwaasoo ay kala hadashay xaalada wadanka soomaaliya, waxaana markaas la socotay Allaha unaxariistee Saado Cali Warsame.

Allaha unaxariistee waxay Hodon aheyd gabar wanaagsan, Akhlaaq leh, qalbi furan, dadka jecel, markastana dhoolacadeysa, waxaana markasta oo ay meel booqata kusoo xoomi jirtay dhalinyarada oo aad ujeclaa hayaankeedi, kuwaasoo ay kudhiiragalin jirtay inay ishorumariyaan.

Sidoo kale waxay inbadan tusaale u aheyd gabdho badan oo soomaaliyeed oo daawan jiray barnaamijyadeeda aadna uga heli jiray siiba kuwa kujira mihnada warbaahinta, si gaar ahna Waxaan ugu xusuustaa halkudhigeedii dhiiragalinta ahaa ee #naag iska dhig.

“warbaahinta bulshada ayaa bedeshay korna u qaaday barashada  dadka ee arimaha dhaqanka  ayey tiri Hodon “

Walaasheen Hodon intii ay ku guda jirta halgankeedi waxay caalamka ka gadday Wadankeenna iyadoo muuqaalo, iyo sawirro fiican ka sameysay dalka, taasoo keentay in qurba joog badan ay kudhiiradaan imaanshaha wadankeenna.

“ waxaan doonayaa  inaan usoo tabiyo  dadku sheekooyinka ku saabsan afrika. Hadafkeygana waa inaan dadka hoga tusaaleeyaa oo aan badelaa ayey tiri  waxay hadalkan  u  sheegtay bbc africa horaantii sanadkan,waxayna intaas kudartay  in ay sii wadi doonto oo ay sii  kordhin doonto sheekooyinka wanaagsan ee kor u qaadaya maskaxda iyo dhiirigelinta dhalinyarada soomaaliyeed ee adduunka ku nool si u Aaminaan una jeclaadaan wadankooda.

“Wadnaheyga waxaa ku dhex nool Soomaaliya MArkastana waxaan jeclahay inaan barto dalkeyga, dadkeyga, Afkeyga iyo diinteydaba. Ayey tiri mar ay hadleysay.

Hadalada dadka aadka u soo jiitay intii ay nooleyd oo ay tiri  waxaa kamid ahaa “riyadeyda ma aha inaan caan noqdo ama aan lacag sameeyo,ee waxaan isweydiiyaa maxaad ka tageysaa haddii aad dhimato.

Jacayl ay u qabto dadlka iyo dadkaba ayaa suuragaliyey inay si rasmi ah Hodon  ugusoo guurto soomaaliya, gaar ahaan magaalada kismaayo halkaasoo ay ku guursatay Marxuum fariid oo kamid ahaa masuuliyiinta hore ee maamulka jubaland kaasoo ay isku meel ku ruux baxeen.

Geerideedana  waxay taabatay bulshooyin badan oo aduunka kunool kuwaasoo  isugu jira Soomaali iyo ajanabi ka qaracmay kana welwelay, kuwaasoo isla qiray inay aheyd  Xidig  usoo baxday bulshada Soomaaliyeed, laguna xusuusan doonno dal jacaylkeedii wadaniyada lahaa ee ay u adeegsantay inay kusoo bandhigto warbaahinta Caalamka.

Allaha unaxariisto Hodon Naaleeyeh waxay 12kii bishaan ku geeriyootay Hotel cascasey iyada saygeeda iyo dadkaloo Soomaaliyeed oo hotel ku sugnaa. Kadib markii kooxda Argagaxisada ah ee Alshabaab ay weerar ku qaadeen.

Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun Allaha unaxariisto walaasheen Hodon Naaleeyeh waxay aheyd Halyeey Aan la hilmaami doonin halgankeedii.

W/Q Aamina Ladan Axmed Cali.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Tamarta oo kulamo muhiim ah la yeelatay madax ka socotay IOM iyo IGAD

Next Post

Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda Golaha Shacabka oo Dalka Ruwaanda u jooga turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka+ (Sawirro)

Next Post
Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda Golaha Shacabka oo Dalka Ruwaanda u jooga turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka+ (Sawirro)

Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda Golaha Shacabka oo Dalka Ruwaanda u jooga turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka+ (Sawirro)

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In