Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadli doono arrimaha dhameystirka dastuurka iyo dardar gelinta dagaalka looga soo horjeedoo Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed xuska sannad guurada 81aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee kaalinta weyn ka qaatey dhaqdhaqaaqa xornimadoonka Soomaaliya.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si qoto dheer kaga hadlay dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska Cuntada oo ganacsato ay ka hirgelisay magaalada Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee Jamhuuriyadda Koonfuurta Sudan oo uu shir guddoominayey Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaasi oo uu daah-furay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qayb-galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay Nairobi, kaas oo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalagga beeraha Afrika iyo horumarintiisa.

12- Shirka maalgashiga qurba-joogta soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho kaas oo diirrada lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay ku leeyahiin maalgashiga dalka.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya magaalada Manama ee xarunta Boqortooyada Bahrain.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

15- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens , iyaoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga shaqo ee labada dhinac.

16- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kulan la qaatay Madaxa UN-Habitat ee Soomaaliya Sebastian May.

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

19- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay shirka Wasiirrada Beeraha Afrika, kaas oo looga hadlay caafimaadka iyo bacriminta beeraha.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman karta noloshooda iyo hantidooda.

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir-Madaxeedka Carbeed oo ka dhacaya magaalada Manama.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka – UNHCR ee Sooomaaliya Md. Charles Mballa.

23- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada reer Hiiraan.

24- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood ah oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden.

25- Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku qabtay laba nin oo watay toorreeyo iyo mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayay shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.

26- Ciidamada Amniga ee Puntland oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabab kaasi oo ku hubaysanaa walxaha qarxa.

27- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Hassan Mohamed ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee xaquuqul insaanka, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin daryeelka barakacayaasha iyo qaxootiga soo guryo noqday.

28- Shir-Madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee dalka Gambia. Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo lagu diiday damaca gurracan ee dowladda ay Ethiopia oo heshiis sharcidarro ah la gaashey maamulka Somaliland ee Soomaaliya.



 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada SYL

Next Post

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo dil ku xakuntay Sayid-Cali

Next Post
Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo dil ku xakuntay Sayid-Cali

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo dil ku xakuntay Sayid-Cali

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In