Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneral Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneral Daa’uud, halkaas oo ay ka amba-baxayaan cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

2- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa ka qeyb galay xil wareejinta wasiirada cusub ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

3- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Alper Aktaş oo booqasho sharafeed ugu yimid.

4- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Washington kaga qeybgalaya shirka arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta kaas oo ay martigeliyeen hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka.

5- Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan fududeynta wax walba oo caqabad ku ah beeralayda Soomaaliyeed.

6- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan argagixisada.

7- Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo magaalada Brussels uga qeybgalay shir calami ah oo la xiriira arrimaha waxbarashada.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Finland ee Geeska Afrika.

9- Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in dowladdu ay dardar galinayso howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka iyo xaqiijinta amniga deegaannada xorta.

10- Xafiiska Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka oo shir looga hadlayey sidii siyaasad qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka ku qabtay Muqdisho.

11- Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa cunno gargaar ah u dirty degmada Ceeldheer iyo deegaannada hoostaga ee gobolka Galguduud.

12- Danjiraha Soomaaliya ee Pretoria Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Dr. Naledi Pandoroo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal.

13- Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga ah.

14- Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo Muqdisho ku soo dhoweysay Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibedda ee Ciidanka Booliska Turkiga Mudane, Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.

15- Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ka shiray dardar gelinta sugidda amniga caasimadda.

16- Dab xooggan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka cimilada ee sii kululaanaysa.


Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda 

Next Post

Wasaaradda Maareynta Musiiboyinka Galmudug oo war qoraal ah soo saartay

Next Post
Wasaaradda Maareynta Musiiboyinka Galmudug oo war qoraal ah soo saartay

Wasaaradda Maareynta Musiiboyinka Galmudug oo war qoraal ah soo saartay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In