Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Diinta Islaamka ee Soomaaliyeed, xusayna mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culumada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

2-    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

3-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatey dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

4-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan Guutada Birjeex ee ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay Khawaarijta Al Shabab.

5-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo xiray Shirweynaha 2aad ee culumada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayey midnimada culumada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

6-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

7-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo looga arinsanayey horumarka laga sameeyay barnaamijka xasilinta ee degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

8-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo muhiimmadda uu u leeyahay horumarka dalka.

9-    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas Marxuum Ismaaciil Haniyaha oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

10- Shirweynihii Culumada Diinta Islaamka ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in la dedejiyo dhameystirka dhismaha Golaha Culumada Soomaaliyeed.

11- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteyn doono daryeelka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askarta ku dhimatey dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta.

12- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynaayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo shaqada.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso hawlaha xasllinta ee laga fulinaayo deegaanadda laga xoreeyey Khawaarijta.

16- Cabbaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Barlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyeey soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahayd in Ciidamadda Badda ee Turkiga loo diro Xeebaha soomaaliya si’ ay uga qeyb noqdaan dadaalada lagu sugayo badda Soomaaliya.

18- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada Baarlamanka Turkiga uu ku ansixiyay go’aan ay Dowladda Turkiga Soomaaliya ugu soo dirayaan Ciidamada Badda ee ka hawlgeli doona Xeebaha Soomaaliya.

19- Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda Xuska todobaadka Naas Nuujinta Aduunka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladaha amniga iyo nolosha ku maraya degaanno ka tirsan gobollada Hirshabeelle.

21- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa bixiyey amar lagu adkaynayo amniga Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xabsi ku xukuntey Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu helay dembi ah lacag dhaqid.

Previous Post

Turkiga” Israa’iil waxay dooneysaa in dagaalka Qaza uu ku fido gobolka

Next Post

Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Next Post
Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In