Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ali Ahmed by Ali Ahmed
August 2, 2024
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Diinta Islaamka ee Soomaaliyeed, xusayna mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culumada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

2-    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

3-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatey dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

4-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan Guutada Birjeex ee ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay Khawaarijta Al Shabab.

5-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo soo xiray Shirweynaha 2aad ee culumada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayey midnimada culumada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

6-    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

7-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo looga arinsanayey horumarka laga sameeyay barnaamijka xasilinta ee degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

8-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo muhiimmadda uu u leeyahay horumarka dalka.

9-    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas Marxuum Ismaaciil Haniyaha oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

10- Shirweynihii Culumada Diinta Islaamka ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in la dedejiyo dhameystirka dhismaha Golaha Culumada Soomaaliyeed.

11- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteyn doono daryeelka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askarta ku dhimatey dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta.

12- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynaayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo shaqada.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhimad gaar ah siineyso hawlaha xasllinta ee laga fulinaayo deegaanadda laga xoreeyey Khawaarijta.

16- Cabbaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Barlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyeey soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahayd in Ciidamadda Badda ee Turkiga loo diro Xeebaha soomaaliya si’ ay uga qeyb noqdaan dadaalada lagu sugayo badda Soomaaliya.

18- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada Baarlamanka Turkiga uu ku ansixiyay go’aan ay Dowladda Turkiga Soomaaliya ugu soo dirayaan Ciidamada Badda ee ka hawlgeli doona Xeebaha Soomaaliya.

19- Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda Xuska todobaadka Naas Nuujinta Aduunka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladaha amniga iyo nolosha ku maraya degaanno ka tirsan gobollada Hirshabeelle.

21- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa bixiyey amar lagu adkaynayo amniga Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xabsi ku xukuntey Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu helay dembi ah lacag dhaqid.

Previous Post

Turkiga” Israa’iil waxay dooneysaa in dagaalka Qaza uu ku fido gobolka

Next Post

Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Next Post
Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Taliye Sulub ”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In