Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ali Ahmed by Ali Ahmed
January 10, 2025
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 10-ka January, 2025

1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, waxaana uu tilmaamay in xaruntan noqon doonto mid bulshada u iftiimisa masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

2- Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo tan Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

3- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

4- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

5- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tagay Wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga, Qoyska iyo xuquuqul insaanka ,Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, halkaas oo lagu siiyay warbixino la xiriira shaqada hay’adahaasi.

6- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028-ka.

7- Wasiirka Arrimaha DIbedda Danjire Axmed Maccalin Fiqi ayaa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas uu ugu qeybaglayo Shir Madaxeedka Gaar ah ee Midowga Afrika ee looga hadlayo Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qorshaha Guud ee Afrika (CAADP)

8- Wasaaradda Beeraha ayaa kulan dood ah Muqdisho ugu qabatay qaar ka mid ah dhallinyarada leh hal-abuurka ganacsiga ee beeraha.

9- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dahir Shire ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo looga hadlayay sugidda ammaanka magaaloyiinka gobolka uu ka kooban yahay.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa booqasho ku tagay Xarunta Hay’adda SoDMA, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay u hayso dadka ay waxyeellada ka soo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa kala hadlay sidii warqadaha dal ku galka loogu fududeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee caafimaadka u tago dalka Hindiya.

12- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre ayaa u magacaabay Maxamed Saciid Cali inuu noqda Guddoomiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaliyeed.

13- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddalka Cimilada Bashiir Maxamed Cabdi ayaa Warbixinno ku sabsaan Fatahaada iyo Isbeddelka Cimilada ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

14- Wasiirka Batroolka Daahir Shire, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Beled Weyne uga qaybgalay salaada janaasada askartii ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka ee dhawaan lagu dilay degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

15- Ggudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa shir guddoomiyay kulanka amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

16- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qiimaha lacagta Xajka sanadkan lagu tagaaya oo gaareysa 4,604 ( Afar kun lix boqol iyo afar dollar).

17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhinaca gargaarka George Conway.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Dhuhulow ayaa kulan la yeeshay diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

19- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulamo la yeeshay Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa u hambalyeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA oo u dabaaldegtay sannad-guuradeedii 61-aad oo ku beegnayd 5-ta January.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Masar AbdulMajir Saqr.

22- Qaar kamid ah culumada diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalo ku dhexmartay qeybo ka mid ah dalka.

23- Heshiis horudhac ah oo laga gaarey colaad u dhexyesay laba beelood oo dhawaan uu dagaal hubeysan ku dhex marey Gobolka Mudug.

24- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Cirka ee ee Maraykanka oo ka dhacay deegaanka Beexaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta .

25- Wasiir Ku-Xigeenka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Kuwait kaga qeybgakey Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025-ka.

26- Guddoomiyaha Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xassan ayaa ka warbixiyay qorshaha guddiga ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.

27- Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika.

28- Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan la yeelatey Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

29- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa hawlgalo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta ka wada degaanno hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

30- Qaar ka mid ah haweenka ururrada bulshada rayidka ayaa dowladda ku taageeray in guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

31- Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlay, daah-furnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, Shirkan waxaa ka soo qeybgaley Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda.

========DHAMMAAD=========

Previous Post

Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah.

Next Post

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Next Post
Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Madaxda Hay'adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In