Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
August 16, 2025
in Wararka
0
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada Warta Nabadda, isla markaana qaatey kaarka codbixinta.

2-Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr. Aisa Kirabo Kacyira oo ahayd Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxii Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo isla markaana faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray xukuumadda in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameysay xaaladda ka taagan gobolka Gedo.

5-Ra’iisul Wasaare Ku-XIgeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb-galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad kasta dunida laga xuso ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey hindise sharciyeed la xiriiray dhanka macdanta iyo qodob kale oo khuseeyay Xeer-Nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-Siinta Gaarka ah.

8-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir la yeeshay culumada diinta, ganacsato iyo wakiillo ka socday shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada waaweyn ee dalka, si looga wada hadlo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu ku saameysay ee ku nool Gobolka Awdal.

9-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

10-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray goobaha ay Ka socdaan hawlgallada sifeynta Khawaarijta iyo fariisimaha Ciidamada Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhowaan laga eryay argagixisada.

11-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

12-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Kuwait kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait Cabdullaahi Cali Cabdulladalahi Al-Yahya.

13-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallim ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta fursadaha waxbarashada iyo teknoolojiyada casriga ah.

14-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ,ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada Kala-Guurka ee Soomaaliya Danjire James Swan.

15-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson, iyagoo kulanka diiradda lagu saray iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada.

16-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

17-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, oo uu hoggaaminayey La-Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, S/Guuto Ziyad Daha Cali .

18-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku ridday Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14 Oktoobar,oo lagu qabtay basaasnimo iyo u adeegid kooxda Khawaarijtu.

19-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Algiers ee dalka Algeria.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Algeria, Mudane Axmed Ataf, kaas oo loogay hadlay dhinacyada iskaashiga amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha.

21-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Qurat-ul-Ain Sadozai.

22-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard Hiley, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Matthew Younger.

23-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegtay in dowladda dhaqan gelisay nidaamka casriga ee dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah laga hirgeliyay 19 degmo oo ka tirsan maamul goboleeyada dalka.

24-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Ciraaq, oo uu hoggaaminayo La-Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Sarreeye Guuto Ziyad Daha Cali ,oo booqoasho rasmi ku yimifd dalka.

25-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiskaee XFS oo kaashanaysa Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Galmudud) ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ku qabatay tabbabar ku sabsan anshaxa warbaahinta ee tabinta doorashooyinka oo ay ka qaybgaleen 40 suxufiyiin.

26-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaanka istaraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

27-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ku dhawaad 120 Khawaarij ah lagu dilay magaalada Bariire, iyadoo cadowga halkaas looga furtay hub iyo saadka ciidamada oo badan .

28-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa magaalada Sanca kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Yemen Caydruus Qaasim Al -Zubeedi ,iyagoo ka wadahadlay ka hortagga khataraha sida burcad badeedka , ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo tahriibka.

29-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal laga fuliyay degaanka Warta Eey Duure lagu dilay horjooge Cabdullaahi Abuukar Cali oo u qaabilsanaa Khawaarijtu arrimaha maaliyadda ee gobolka Bakool.

     

Previous Post

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In