Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii G7 iyo Donald Trump oo ka soo horjeestay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii G7 iyo Donald Trump oo ka soo horjeestay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

 Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dafiray soo dhoweeyn uu horey u soo dhoweeyay war murtiyeed laga soo saaray dhammaadka shir madaxeedka wadamada G7 isagoo dalka Kanada ku eedeeyay waxa ugu ku tilmaamay “Daacad darro”.

Waxa uu sheegay in wadamada kale ay ku soo rogeen canshuur baaxad weyn dalka Mareykanka.

War murtiyeedka, oo looga hadlay “shuruuc ku saleeysan habka ganacsiga”, ayaa la gaaray xilli ay xiisad ka taagan canshuurta tariifada ee laga qaado walxaha biraha iyo qalabka biraha dhismaha ee lala soo dego.

R/wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa wacad ku maray in horey loo wado canshuuro aargoosi ah oo lagu soo rogayo waxyaabaha laga keeno dalka Mareykanka marka la gaaro 1-da bisha July ee nasoo aadan.

Isagoo ka hadlayay shirjiraa’id, waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd “aflagaado” go’aanka Trump waxa uu ku sheegay walaacyada Amniga qaranka si uu cudur daar ugu sameeyo tariifooyinka canshuuraha ee uu kusoo rogay ganacsiga biraha ee metallic aluminum-ka.

“Waa wax lag shalaayo laakiin waxa ay noqon doontaa xal la kala cadeeyo marka aan horey ugu dhaqaaqno talaabooyin aargudasho leh 1-da bisha July,” sidaasi waxaa sheegay Mr Trudeau. “dadka Kanada waa dad xushmad badan oo xaqiiqada ku taagan balse ma noqon doono kuwa lagu riixo waxyaabahaasi.” Ayuu yiri Justin Trudeau.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo dhinaciisa ka hadlay arrintan ayaa hadaladiisa aad uga fogaa oo aanan kusoo darin ereyadii uu horey u jeediyay hadda kahor, labada mas’uul ayaa si fagaare ah iyo hadallo si gaar ah uu ula yeeshay ayaa Mr Trump, xafiiskiisa waxa laga soo saaray hadalkan.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ku dhagan tahay war murtiyeedka ka sokoow go’aanka madaxweyne Trump kasoo baxay.

“Waxa aan taageersanahay ballanqaadyada laga sameeyay ee ku jira war murtiyeedka G7,” sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo wareed sare oo kasoo baxay dalka.

Madaxweynaha Mareykanka oo bartiisa twitter-ka soo dhigay xilli uu ku socday shir madaxeedka kale ee uu kaga qayb galayo dalka Singapore ayaa sheegay inuu isagu amray saraakiisha Mareykanka “in aysan soo dhoweeyn war murtiyeedka iyadoo uu xilligan Mareykanku dib u eegis kusameeynayo canshuuraha baabuurta uu sameeyo mareykanka”.

Waxa uu sheegay in tallaabada ay ku saleeysanayd bayaanka been abuurka ah ee shirka jiraa’id ee R/wasaare Justin Trudeau, xaqiiqadana ay tahay in Kanada ay wado sidii ay ugu soo rogi lahayd canshuur baaxad leh dadka beeraleyda ah, shaqaalaha iyo shirkadaha dalka Mareykanka “.

Isagoo ugu dambeeyntii ku tilmaamay Mr Trudeau inuu yahay qof “aan daacad ahayn oo liita “.

Mr. Trump ayaa goor hore saxiixay bayaanka war murtiyeedka ay ku heshiiyeen dhammaan wadamada ku bahoobay Ururka G7 ka sokoow muranka ka taagan xagga ganacsiga.

Previous Post

Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo burburyay Saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo Khasaarana Gaarsiiyay+Sawiro

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo burburyay Saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo Khasaarana Gaarsiiyay+Sawiro

Ciidanka Xoogga Dalka oo burburyay Saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen duleedka Kismaayo Khasaarana Gaarsiiyay+Sawiro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In