Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xariga ka jaray Warshadda Gaaska cunada ee Zaad Gaas oo laga hirgaliyay Magaalada Cabudwaaq.
Xarig jarka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah labada gole ee dowlada Galmudug & Maamulka Degmada Cabudwaaq.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku bogaadiyay Ganacsatada Reer Galmudugย sameynta Warshadda gaaska cunada, taas oo qeyb ka qaadaneysa joojinta jarista iyo xaalufinta dhirta si bulshadu qeyb uga noqdaan ilaalinta deeganka.