Wasaaradda Amniga Xukumada Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay Gaari lasoo buuxshay Waxyaabaha Qarxa ay Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay ku qabteen Duleedka Magaalada Muqdishu kasoo ay doonaayeen inay Malayshiyaadka Argagixisada Al shabaab ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaliyeed.
Afhayeenka Wasaadda Amniga Soomaaliya Ahmed Carab oo la hadlay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyada ayaa sheegay inay Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed ku guulaysteen in Gacanta ku dhigo Gaarigaan oo aan wali Qarxin Xili ay Malayshiyadu ay Qarsheynaayeen inay dhibaateeyaan Shacabka soomaliyed balse ay ka hortageen Ciidamada Amaanka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa tilmaamay inay Ciidamadu ku daba jiraan sidi Gacantaloogu soo dhigi lahaa dhagar qabihii waday gaarigaan la doonayay in lagu qal-qal galiyo Amaanka Caasimada Soomaaliya ee muqdishu.
Hoos ka dhagayso:.