Wasiir ku xigeenka Wasaaraada Amniga ee Xukuumadda soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay galinkii danbe ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya Cabdinasir Saciid Muuse ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane, waxaa uuna sidoo kale sheegay in Ciidamada ammaaanka qeybahooda kala duwan uu uga digayo in ay ka qeyb qaataan xiisada ka taagan Gobolka Hiiraan, isagoo intaa raaciyay in wixii duleedka Beledweyne ka dhacay ay aad uga xuntahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in gudi loo magacaabi doono shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beladweyne, si ay u soo baraaan cidii ku lug laheyd wixii duleedka Beledweyne ka dhacay.
Sidoo kale Waxaa uu wasiir ku xigeenka shaaca ka qaaday in xal waara laga gaari doono muranka ka taagan Gobalka Hiiraan.