Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qaar ka mid ah Haweenka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qaar ka mid ah Haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay haweenka Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Ololahan oo ay Wasaaradda ugu magacdartay Sheeko Qarameed (National Conversation) ayaa waxaa maanta ay haweenka ugu doodeen sidii Dastuurka uu u noqon lahaa mid xoojiya xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Avv. Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo shirka furay kuna soo dhaweeyay dhamaan ka soo qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda haweenka ay u leeyihiin Qaranka gaar ahaan geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Avv Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ay iska kaashan doonaan shaqooyinka muuhimka ah ee ay Wasaaradda u hayso dalka, sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in shirarka noocan ah ee loogu magacdaray “Sheeko Qarameed’’ la gaarsiin doono dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Wasaardda Arrimaha Dastuurka ayaa dar-dargelisay qabashada kulamada wadatashiga si Dastuurku uu u noqdo mid dalka u horseeda horumar iyo nabad.

Previous Post

Shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta oo ka furmaya Sudan “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababbar ku soo qaatay dalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababbar ku soo qaatay dalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababbar ku soo qaatay dalka Ingiriiska "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In