Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qorsho-howleedkeeda ku soo bandhigtay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qorsho-howleedkeeda ku soo bandhigtay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayay maanta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxa ay qorsho-howleedkeeda sanadkan la wadaagtay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda oo shirka ka soo qaybgalay. Waxaana shirka gudoominayay Wasiirka Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ujeeddada shirka ayaa waxaa uu ahaa in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay la wadaagto hay’adaha dowladda qorshaha guud ee lagu dhameystirayo dastuurka kasoo ay lagama maarmaan tahay in hay’adaha dowladda ay xog-ogaal ka noqdaan.

Related posts

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa shirka ku soo bandhigay qorshaha guud ee Wasaaradda oo ay Wasaaradaha kasoo qaybgalay shirka ay masuuliyad ka saarantahay fulinta qayb kamid ah qorshaha.

Wasiir Salaax oo shirka ka hadlay ayaa yiri “waxaan dooneynaa dhameeystirka dastuurka inuu noqodo mid daahfuran, sidaa awgeed waxaanu la nimid qorshahan oo dhamaan hay’adaha dowladda iyo guud ahaan shacabka aanu ka codsaneyno inay kaalintooda ka qataan sidii loo fulin lahaa”.

Agaasimayaasha Guud iyo La-taliyayaal ka kala socday hay’adaha dowladda ayaa iyagana dhankooda sameeyay soo jeedin ku aadan qorsho howleedka hay’adaha ay madaxda ka yihiin iyagoo sheegay inay u diyaarsanyihiin ka qaybqaadashada dhameeystirka dastuurka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Dastuurka ayaa maalmaha inagu soo fool leh bilaabeysa kulamo looga arrinsanayo qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro kaasoo ay ka qaybgali doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay quseeyaan qaar kamid ah qodobada dastuurka.

Previous Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfa oo soo xiray bandhigga maalgalinta dhallinyarada Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere "Sawirro"

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In