Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo gabagabaysay aqoon iswaydaarsi ku saabsan Dib-u-eegista dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa maanta Muqdisho ku soo xirtay aqoon iswaydaarsi ku sabsan dib-u-eegista dastuurka oo ay la qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026

Aqoon iswaydaarsigan oo socday muddo 11 maalin ah (20 – 31 Octoobar, 2018) waxaa ka qayb galay hay’adihii ku guulaystay fulinta barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka kala yimid gobolada dalka.

Inta uu socday aqoon iswaydaarsiga waxaa laga dooday islamarkaana la falanqeeyay sida ugu wanaagsan ee bulshada soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa loona bari lahaa dastuurka si sare loogu qaado wacyiga dadka ee ku aadan dastuurka.

Hay’adihii ku guulaysta fulinta barnaamijyada wacyigalinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha oo kala ahaa IIDA-oo ku guulaysatay Bulshada Rayidka, Talo-wadaag iyo PUNSAA – haweenka, IFIYE iyo Somali Youth Vision (SYV)-dhallinyarada, Horn Connect- Ololaha Wacyigalinta Warbaahinta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Documentary –ga ayaa soo bandhigay hababka ay u fuulinayaan barnaamijyada wacyi galinta ee dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray aqoon iswaydaarsiga ayaa kula dardaarmay hay’adaha ku guulaysatay fulinta barnaamijyada wacyigalinta dastuurka in ay si wanaagsan u fuliyaan howsha loo xilsaaray si waafaqsan istaraatiijiyadda wacyigalinta ee Wasaaradda Dastuurku diyaarisay.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad gaarsiisaan farriinta wacyigalinta dastuurka dadka soomaaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si dadka soomaaliyeed ay u bartaan dastuurkooda, idinkoo adeegsanaya wadiiqooyinka ku haboon ee loo mari karo dadka si loo gaaro sida in aad adeegsataan Tv-yada, Raadiyayaasha iyo in aad u qabataan kulamo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xuseen.

Wasaaradda Dastuurka ayaa bilaabaysa qorshe lagu wacygalinayo qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha bulshada si qof kasta uu u fahmo muhiimadda dastuurku uu leeyahay islamarkaana uu u ogaado waajibaadka saran iyo xuquuqda uu siinayo dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha,...

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In