Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Debbada Shiinaha oo qaabishay Saxafiyiin uu hogaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta( Sawiro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Debbada Shiinaha oo qaabishay Saxafiyiin uu hogaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta( Sawiro)

dav

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Weriyeyaal ka kala socda Warbaahita Dawladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada Soomaaliya, Cabdiraxman Yuusuf Sheekh โ€˜Cadaalaโ€™ ayaa maanta oo Jimco ah booqday Wasaaradda Arrimaha Debbadda Dawlada Shiinaha caasimadda dalkan ee Beijin.

Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debbadda Shiinaha Waaxdeeda Arrimaha Africa ayaa si diiran uga soo dhoweeyey Saxafiyiinta iyo Agaasimaha Xarunta Wasaarada, waxaana ay yeeshay kullan ku saabsanaa kaalinta Shiinaha ee Africa, si gaar ah Saaxiibtinimada soo jiraanka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, Amniga iyo taageeradaย  Shiinaha ee dhanka Mashaariicyada iyo Beniโ€™aadinimo.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debbadda Waaxdeeda Africa, Hu Zhang Lian ayaa sheegay in xiriirka iyo Iskaashiga taariikhiga ee ay la leeyihiin Soomaaliya ay xoojinayaan, waxaana uu sheegay in Xiriirka Diplomasi ee labada dal uu bilowday 1960-kii, welina waxba iska bedelin.

โ€œWaan ku faraxsanahay la kulankaaga Agaasime, adiga iyo Wafdigaaga Weriyayaasha ah ee ka socda Soomaaliya, Waa dal saaxiibtinimo fog naga dhaxaysa oo ixtiraam weyn u hayno, mashaariicyo badan oo muhiim ah baan beri samaadkii ka fulinay, waxaana ka mid ah Cusbitaal, waddooyin,Warshad Sokor, Xarunta Murtida iyo Madadaalada iyo iyo Garoonka Kubbadda Cagta Muqdishoโ€, Liang ayaa sidaa yiri.

Mr. Liang ayaa xusay in hadda ay Soomaaliya ka saacidaan dhinaca Amniga oo ay taageeraan Hawl-galka Midowga Africa, Dhinacyada Beniโ€™aadanimada, Waxbarashada, ayna safaarad ku leeyihiin Soomaaliya.

โ€œ Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Hotel Jazeera oo noo ahaan jiray Safaarad, waxaan ku wayn mid kamida ilaalada Safaaradeena halka afar kale ay ku dhaawacmeen, nama aysan baqdin gelin bal inaan safaaradba ku yeelanay ย mooyee oo xoojinaynaysa xiriirka Soomaaliya aan la leenahayโ€, ayuu raaciyey.

Agaasime C/raxmaaan ayaan dhankiisa uga mahadceliyey dawladda Shiinaha doorkeeda Soomaaliya, si gaar ah sida diiran ee isaga iyo wafdigiisa looga soo dhaweeyey xarunta Wasaarada Arrimaha Debbada Shiinaha ee Caasimadda Shiina Beijin.

โ€œ Aad baan uga farax-sanahay kullankan, waad ku mahadsan-tihiin sida sharafta leh ee nooga soo dhaweysay, waxaana si gaar ah ii soo jiidatay sida aad xog-ogaal ka uga tahay arrimaha Soomaaliya maanta iyo Shalayba, Waxa aad sidoo kale ku aaman-tihiin wixii wanaagsanaa ee taariikhda galay ee aad u gasheen Soomaaliya, waana khirsanahay, Waxaa idin sheegayaa in weli ay jirta fursado badan ee soo dhawaadaโ€, Cadaala ayaa sidaa yiri.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Shiinaha uu dalalka kale qaarkood uu uga duwan yahay in aanu fara-gelin ku samaynin arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulan la yeeshay ku xigeenka agaasimaha Guud ee Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Shiinaha, Chen Toa

Weriyeyaashan ayaa ka kale socda Warbaahinta Dawladda, TV-ga CGTN-ka oo laga leeyahay Shiinaha, Radio Goobjoog, Hiiraan Online iyo Universal TV, waxaana ay caasimadda Shiinaha soo gaareen Seddexdii Bishan May(May 3, 2018) iyagoo Muqdisho ka soo baxay maalinta Arbacada oo ku taariikhda ku astaysnayd 2-dii bishan.

Waxana ay joogayaan asbuuca nasoo aadan oo waayo aragnimo shaqo ku soo qaadayaan magaaladan Beijin iyo magaalada kale ee Chonqtin ee dalkan Shiinaha.

dav
dav
dav
dav
dav
Previous Post

Raโ€™iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga+Sawirro

Next Post

Emmerson Mananganwa oo bilaabay Ololihiisa Doorashada ee dalka Zimbabwe

Next Post
Emmerson Mananganwa oo bilaabay Ololihiisa Doorashada ee dalka Zimbabwe

Emmerson Mananganwa oo bilaabay Ololihiisa Doorashada ee dalka Zimbabwe

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ M๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ l๐ฎ๐ ๐ฎ s๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐šy

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ M๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ l๐ฎ๐ ๐ฎ s๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐šy

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In