Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Yuusuf (Bari-Bari)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Yuusuf (Bari-Bari)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, March 28, 2015- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiir kuxigeen-ka Axmed Cali Maxamed “Kadiye”, Wasiiru dowlaha Khaalid Cumar Cali, Siihayaha Xoghayaha Joogtada Dahabo Cumar Maxamed, Agaasimayeyaasha Waaxyaha , Lataliyeyaasha , Safiirada, Qunsulada guud iyo Dhammaan howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen ehellada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) oo ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva , ahaana Uqeybsanihii Ururada Caalamiga ee Xaruntoodu tahay dalka Switzerland.

Danjire Yusuf Mohamed Ismail (Bari-Bari) , waxa uu ku geeriyooday 27 –kii bishan March 2015 Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan dhaawac ka soo gaaray weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Maka Al-mukarama.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil ( Bari- Bari) ayaa si rasmi ah ugu soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 2007 xilligaasi oo loo magacaabay xilka Egey joogto.

Marxuumka , oo lagu yiqiinay halkudhigga ah ( My beloved Country) dalkeyga aan Jeclahay xilliga uu ka khudbeeyo Shirarka caalamiga , ayaa ahaa wadani , ku faani jiray dal jaceylkiisa , wuxuu u doodi jiray dadka laga tira badan yahay , wuxuu soo bandhigi jiray xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqul insaanka ee ka dhacay qaar ka mid ah wadamada caalamka , taasoo guulo la taaban karo uu ka soo hoyay , si gaar ah dadka la faquuqo ee loo yaqaan “ Albinism” oo Soomaaliduna u taqaan magaca “gudoodow ama Barasle”, iyadoo golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ay si aqlabiyad ah ay ugu codeeyeen soojeedintiisa in la dhowro xuquuqda dadkaasi , loona aqoonsado 13 June maalinta u gaarka ah dadkaasi ( International Albinism Awareness Day).

Marxuum Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari) oo ifka kaga tagay xaas iyo carruur, ayaa heerarkiisa kala duwan ee aqoontiisa waxbarasho ku kala qaatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Rome .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Next Post
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In