Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud , oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia , Talaadadii 9-kii bishan July 2024.

Kulanka ducada ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed , Wasiirka Gaashaandhigga , Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Aamin Sheekh, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Cali Axmed Jaamac Jangali, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ku jireen kuwo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ehellada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Dawladda.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay taariikhda Allaha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud oo muddo 39 sanno ah u adeegayay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaan Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad),Cali Jangali, Cabdullaahi Qaloocow iyo mas’uuliyiin kale oo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ku sifeeyeen adeegge dhab ah oo Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed si howlkarnimo leh ugu soo shaqeeyay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku hadlay afka Qoyska Marxuum Wasiir hore Maxamed Cali Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ka soo qaybgalayaasha isku imaatinkooda ducada iyo tacsida.

Wasiirka Gaashaandhigga , Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa tacsi u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Qoyska Marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii ka sheegay munaasabadda ducada iyo tacsida ah inay waqti murago leh u tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo markaa uga tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii dawladeed ee muddada ugu dheer xilal ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u leedahay sooyaal lagu dhigo xuska, xasuusta iyo tacsida mas’uuliyiinta ka geeriyoota.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuum Maxamed Cali Xaamud ee ku sugnaa munaasabadda tacsida iyo ducada ah, isagoo markaa la wadaagay dareenkiisa tacsida.

 

 








Previous Post

Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Next Post

Dhismaha Hay’adaha Madaxa banaan ee aan Miisaaniyadda lahayn oo laga dooday

Next Post
Dhismaha Hay’adaha Madaxa banaan ee aan  Miisaaniyadda lahayn oo laga dooday

Dhismaha Hay'adaha Madaxa banaan ee aan Miisaaniyadda lahayn oo laga dooday

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In