Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Sabtidii xaflad duco ah u qabatay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiiday weerar gaari biimaysan loo adeegsaday oo lala beegsaday gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Daljirka Dahsoon ee Muqdisho 22-kii bishii hore ee May.

 

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo hadal ka jeediyay kulanka ducada ayaa sheegay in mabaadiida qaran ee uu dhaqangeliyay Marxuum Xuseen Ceelaabe intii uu ku jiray geedi socodkiisaa qorsheynta , maaliyadda iyo diblomaasiyadda ay dhabbo wanaagsan u xaartay howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xuseen Ceelaabe Faahiye waxa uu noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda sanadkii 2007. Waxa kale oo uu qabtay xilalka Wasiir ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii 2005-2007. Waxa uu noqday muddo 12 sano ka badan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Ceelaabe kama aanu cararin dalka intii uu socday dagaalka sokeeye, magangalyana uma doonan dalal kale, hayeeshee waxa uu doorbiday inuu ku nagaado dalka, oo uu u adeegayay muddo 58 sano, oo ay ku jirto 13 sano oo uu ka howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uu in badan oo waqtigiisa nololeed ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa si daacadnimo ah oo nafhurnimo leh.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa ka sheegay isu imaatinka ducada in Shahiid Xuseen Ceelaabe uu kaalin muuqata ka qaatay iskudubaridka ololaha bani’aadannimo ee Dowladda ay fulisay sanadkii 1974, kaasi oo dib u dejin loogu sameeyay dad ku dhow nus milyan ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi iyo gobollada bartamaha oo loo raray gobollada koonfureed si looga badbaadiyo abaartii darnayd ee loogu magacdaray ”abaartii daba-dheer” ee saamaynta ku yeelatay deegaanno badan oo dalka ka tirsan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka Shahiid Xuseen Ceelaabe, halka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo xubin ka ah Guddi latalin oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Nuur Axmed Wehliye oo lataliye ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Mudane Xuseen Siyaad (Caato) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigeen guulaha shahiidka.

Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, danjireyaal, qaar ka mid ah Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaradaha, diblomaasiyiin, shaqaallaha rayidka iyo qaar ka mid ah ehellada shahiidka.

Previous Post

Tartamayaasha Dhahar oo caawa kaalinta saddexaad ku guuleysatay

Next Post

Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay ee Al-Shabaab oo cabsi xooggan ay soo Wajahday

Next Post
Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay ee Al-Shabaab oo cabsi xooggan ay soo Wajahday

Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay ee Al-Shabaab oo cabsi xooggan ay soo Wajahday

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In