Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Nuur Faarax Xirsi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Cabdulqaadirr Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka. Mukhtar Mahad Daa’uud, Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Nuur Faarax Xirsi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo maanta oo ah Axad, kuna beegan April 02, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaanu u geeriyooday xanuun la soo gudboonaaday dhammaadkii bishii hore ee March.

Related posts

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo looga mahadceliyay ansixinta heshiiska cusub ee IGAD

January 21, 2026
Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

January 21, 2026

Marxuum Amb. Nur Faraah Xirsi oo si qotodheer u bartay xiriirka caalamiga, ayaa ahaa diblomaasi ku xeel dheer hogaaminta iyo wadaxaajoodka, waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku biiray bishii February 2013, isaga oo aqoontiisa ugu deeqay da’yar diblomaasiyiin ah oo Wasaaradda ka howlgasha.

Bishii March, 2014 waxaa loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalka Malaysia, waxaana uu si rasmi ah uga howlgalay Caasimadda Kuala Lumpur kadib markii warqadaha laga gudoomay bilowgii April, 2014, waxa uu dib u habeyn iyo horumarin ku sameeyay howlaha shaqo ee Safaaradda Soomaaliya.

Bishii January 27, 2015 waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka, balse Golaha Wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa baqdin uu ka qabay in Golaha Shacabka codka kalsoonida u diido xukuumadiisa, ayaa waxa uu golihiisa ku sameeyay isbadal degdeg ah, waxaana February 06, 2015 loo magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, xilkaasi oo uu ku shaqeynayay tan iyo geeridiisa.

Allah u naxariisto, Danjire Nuur Faarax Xirsi waxa uu ahaa halyey wadani ah, jecel qarannimada, u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, marna aanay cabsi gelin qaraxyada iyo weerarada argagaxiso ee lagu beegsaday goobo uu ku sugnaa oo ay ka soo gaareen dhaawacyo fudud.

Marxuum , Danjire Nuur Faarax waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkiisa xoojinta midnimada gobollada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya, qorshihiisa horumarineed ee dekadaha dalka iyo kaalintiisa wax ku ool ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga “SAWIRRO”

R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga "SAWIRRO"

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo looga mahadceliyay ansixinta heshiiska cusub ee IGAD

January 21, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

January 21, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In