Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka Tacsiyadeysay geeridii ku timid  Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
 Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka Tacsiyadeysay geeridii ku timid  Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait oo labadii todobaad ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Cabdiqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.

Ambassador Cabdiqani Maxamed Waceys  oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.

Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.

Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.

Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.

Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.

Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.

Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.

Marxuum Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Tags: Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka Tacsiyadeysay geeri ku timid  Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys
Previous Post

Maamulka Dhuusamareeb oo Amarro ka soo saaray dhulalka sharci darada ee Magaalada

Next Post

Dhagar-qabe Al-shabaab ah oo doonayay inuu dilo askari oo lagu qabtay Degmada Hodan+Sawirro

Next Post
Dhagar-qabe Al-shabaab ah oo doonayay inuu dilo askari oo lagu qabtay Degmada Hodan+Sawirro

Dhagar-qabe Al-shabaab ah oo doonayay inuu dilo askari oo lagu qabtay Degmada Hodan+Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In