Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibbada Shiinaha oo qaabishay Suxufiyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibbada Shiinaha oo qaabishay Suxufiyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta

dav

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Weriyeyaal ka kala socda Warbaahita Dawladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada Soomaaliya, Cabdiraxman Yuusuf Sheekh ‘Cadaala’ ayaa maanta oo Jimco ah booqday Wasaaradda Arrimaha Debbadda Dawlada Shiinaha caasimadda dalkan ee Beijin.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debbadda Shiinaha Waaxdeeda Arrimaha Africa ayaa si diiran uga soo dhoweeyey Saxafiyiinta iyo Agaasimaha Xarunta Wasaarada, waxaana ay yeeshay kullan ku saabsanaa kaalinta Shiinaha ee Africa, si gaar ah Saaxiibtinimada soo jiraanka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, Amniga iyo taageerada  Shiinaha ee dhanka Mashaariicyada iyo Beni’aadinimo.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debbadda Waaxdeeda Africa, Hu Zhang Lian ayaa sheegay in xiriirka iyo Iskaashiga taariikhiga ee ay la leeyihiin Soomaaliya ay xoojinayaan, waxaana uu sheegay in Xiriirka Diplomasi ee labada dal uu bilowday 1960-kii, welina waxba iska bedelin.

“Waan ku faraxsanahay la kulankaaga Agaasime, adiga iyo Wafdigaaga Weriyayaasha ah ee ka socda Soomaaliya, Waa dal saaxiibtinimo fog naga dhaxaysa oo ixtiraam weyn u hayno, mashaariicyo badan oo muhiim ah baan beri samaadkii ka fulinay, waxaana ka mid ah Cusbitaal, waddooyin,Warshad Sokor, Xarunta Murtida iyo Madadaalada iyo iyo Garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho”, Liang ayaa sidaa yiri.

Mr. Liang ayaa xusay in hadda ay Soomaaliya ka saacidaan dhinaca Amniga oo ay taageeraan Hawl-galka Midowga Africa, Dhinacyada Beni’aadanimada, Waxbarashada, ayna safaarad ku leeyihiin Soomaaliya.

“ Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Hotel Jazeera oo noo ahaan jiray Safaarad, waxaan ku wayn mid kamida ilaalada Safaaradeena halka afar kale ay ku dhaawacmeen, nama aysan baqdin gelin bal inaan safaaradba ku yeelanay  mooyee oo xoojinaynaysa xiriirka Soomaaliya aan la leenahay”, ayuu raaciyey.

Agaasime C/raxmaaan ayaan dhankiisa uga mahadceliyey dawladda Shiinaha doorkeeda Soomaaliya, si gaar ah sida diiran ee isaga iyo wafdigiisa looga soo dhaweeyey xarunta Wasaarada Arrimaha Debbada Shiinaha ee Caasimadda Shiina Beijin.

“ Aad baan uga farax-sanahay kullankan, waad ku mahadsan-tihiin sida sharafta leh ee nooga soo dhaweysay, waxaana si gaar ah ii soo jiidatay sida aad xog-ogaal ka uga tahay arrimaha Soomaaliya maanta iyo Shalayba, Waxa aad sidoo kale ku aaman-tihiin wixii wanaagsanaa ee taariikhda galay ee aad u gasheen Soomaaliya, waana khirsanahay, Waxaa idin sheegayaa in weli ay jirta fursado badan ee soo dhawaada”, Cadaala ayaa sidaa yiri.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Shiinaha uu dalalka kale qaarkood uu uga duwan yahay in aanu fara-gelin ku samaynin arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulan la yeeshay ku xigeenka agaasimaha Guud ee Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Shiinaha, Chen Toa

Weriyeyaashan ayaa ka kale socda Warbaahinta Dawladda, TV-ga CGTN-ka oo laga leeyahay Shiinaha, Radio Goobjoog, Hiiraan Online iyo Universal TV, waxaana ay caasimadda Shiinaha soo gaareen Seddexdii Bishan May(May 3, 2018) iyagoo Muqdisho ka soo baxay maalinta Arbacada oo ku taariikhda ku astaysnayd 2-dii bishan.

Waxana ay joogayaan asbuuca nasoo aadan oo waayo aragnimo shaqo ku soo qaadayaan magaaladan Beijin iyo magaalada kale ee Chonqtin ee dalkan Shiinaha.

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Beijin-China  

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga+Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga+Sawirro

Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga+Sawirro

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In