Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka iyo arrimo kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Mudnae Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaaa maanta furay shir looga tashanayo in gobolada dalka la gaarsiiyo Nidaamka Federaalka ah, kaaasi oo ay ka qayb galeen Wasiirada arrimaha gudaha mamulada Puntland, Koonfurgalbeed, Jubbaland, Galmudug iyo mas’uuliyiin ka socday maamulada Hiraan Shabeelaha Dhexe iyo gobolka banaadir

Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo furay shirka ayaa sheegay in inta uu socda looga hadli doono arrimo ay ka midyihiin sida wax loogu qaban karo dadka ku nool hareeraha Webiyada ee laga cabsi qabo inay fatahaad sameeyaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Shirka aan maanta halkaan ka furmay, waxa uu ku saabsanyahay sida la isaga kaashan lahaa hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, ka hadalka arrimaha sanadka 2016-ka iyo in aan ka wada hadalno sida la isaga kaashan karo arrimaha dabeylaha iyo roobka oo qaarkood gobollada dalka ka bilowday, waan soo dhaweyneynaa sida ay uga soo qeyb galeen shirkan” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka jawaabay tabasho laga keenay guddi uu dhawaan u magacaabay inay noqdaan guddiga farsamada ee qaban qaabada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

“Waxaan soo saaray wareegto lagu magacaabayo guddi farsamo oo ka shaqeyn doono maamul iu sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, sababaha guddigan aan 14-ka xubnood uga dhignay ay tahay, in la rabo ka hor in waqti sanadka 2016-ka horaanteeda la soo gabo gabeeyo, markii aan la tashtay Madaxda dalka iyo saxiisayaasha ayaa waxaan go’aan ku qaatay in laga dhigo dhamaan beelaha dega labada gobol ee maamulka loo dhisayo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In