Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka iyo arrimo kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Mudnae Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaaa maanta furay shir looga tashanayo in gobolada dalka la gaarsiiyo Nidaamka Federaalka ah, kaaasi oo ay ka qayb galeen Wasiirada arrimaha gudaha mamulada Puntland, Koonfurgalbeed, Jubbaland, Galmudug iyo mas’uuliyiin ka socday maamulada Hiraan Shabeelaha Dhexe iyo gobolka banaadir

Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo furay shirka ayaa sheegay in inta uu socda looga hadli doono arrimo ay ka midyihiin sida wax loogu qaban karo dadka ku nool hareeraha Webiyada ee laga cabsi qabo inay fatahaad sameeyaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Shirka aan maanta halkaan ka furmay, waxa uu ku saabsanyahay sida la isaga kaashan lahaa hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, ka hadalka arrimaha sanadka 2016-ka iyo in aan ka wada hadalno sida la isaga kaashan karo arrimaha dabeylaha iyo roobka oo qaarkood gobollada dalka ka bilowday, waan soo dhaweyneynaa sida ay uga soo qeyb galeen shirkan” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka jawaabay tabasho laga keenay guddi uu dhawaan u magacaabay inay noqdaan guddiga farsamada ee qaban qaabada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

“Waxaan soo saaray wareegto lagu magacaabayo guddi farsamo oo ka shaqeyn doono maamul iu sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, sababaha guddigan aan 14-ka xubnood uga dhignay ay tahay, in la rabo ka hor in waqti sanadka 2016-ka horaanteeda la soo gabo gabeeyo, markii aan la tashtay Madaxda dalka iyo saxiisayaasha ayaa waxaan go’aan ku qaatay in laga dhigo dhamaan beelaha dega labada gobol ee maamulka loo dhisayo” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In