Cadaado, 21 Juun 2015 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka maamul iyo dooroshooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamada, Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibada beesha caalamka sida hufan ee ay uga qeyb qaateen dhismaha maamulka gobolladda Mudug & Galgaduud.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay in muddo labo Todobaad gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisa.
Sidoo kale, Wasiir Odowaa ayaa sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dibna la guda-geli doono doorashooyinka.
Jadwalka Dhameystirka Dhismaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Tar | Shaqadda |
21/6/2015 | Sameynta kaararka aqoonsiga Xildhibaanadda |
22/6/2015 | Xafladda dhaarinta Xildhibanadda, Magacaabista shir guddoon KMG |
24/6/2015 | Sameynta Guddiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka |
27/6/2015 | Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka |
29/6/2015 | Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa |
30/6/2015 | Qabashadda Liiska Musharaxiinta |
02/7/2015 | Dhageysiga Khudbooyinka Musharaxiinta |
04/7/2015 | Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa |